Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ayaa afur iyo suxuur ugu deeqaqy dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku haray xaafadaha laga kala qaxay ee ku dhow xarunta xiriirka ee ku taala Xaafada Geed Jacayl ee degmada Wardhiigley.
Sheekh Dr Maxamed amiin ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu ka mid yahay sheekhyaasha tiradda yar ee cilmiga fiqiga ka haystaa aqoonsiga ama shahaadda ugu sareeysa ee PHD-da,sheekha ayaa waxaa dadka nasiibka u helaa ka faa,ideystaan xiliga uu lajoogo.
Ka hor intii aanay ka amba bixin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe waxaa uu kumanaan doolar u balan qaaday cayaartoyda xulka qaranka U 17 hadii ay guul soo hooyaan.
Xaflad si heer are ah loosoo qaban qaabiyay looguna talagaay in lagu macsalaameeyo xulka qaranka U-17-ka dalka Soomaaliya ayaa saaka lagu qabtay hotelka saxafi International ee magaalada Muqdisho.
Iyadoo wali uu hakad ku jiro dib u dhiska lagu hayo garoonka kubada cagta ee Stadium Banaadir ayaa waxaa xoghayaha guud ee xiriirka cabdi Qani Saciid Carab uu madaxa mashruucyada ee sirkadda Green Field Mr. Sophocles kala hadlay sidii howsha dhaqso loogusoo gabagabeyn lahaa.
Iyadoo sababtu ay tahay fowdada iyo dagaalada ugu yaraan maalineyaasha noqday ee ka jira magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa cayaartoyda xulka qaranka U-17-ka ee kubada cagta dalka Soomaaliya waxaa ay ka qexeen xaruntii hore oo ay mudoo ku tababar qaadanayeen oo ah Stadium Banaadir oo ku taala degmada…
Xuka Qaranka kubada cagta ee U 17 iyo kooxda Kubbada Cagta ee naadiga Heegan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shalay Sabtidii cayaar saaxiibtinimo ku yeeshay garoonka dugsiga sare ee Booliska waxaana cayaartaasi ay ku dhamaatay 3-2 oo ay guushu ku raaday xulka U 17.
Aqristeyaasha webka somsoccer.com waxaanu u balan qaadeynaa in aan si toos ah oo joogto ah ugusoo gudbin doono natiijooyinka cayaaraha beach soccer-ka Swiss-ka oo haatan koox Soomaaliyeed ay ka qeyb qaadaneyso, waxaana maanta idin soo bandhigeynaa qaabkii ay ku dhacday cayaartii ugu dambeysay ee kooxda…
Koox ay leeyihiin jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Switzerland ayaa waxaa ay si rasmi ah uga mid noqotay kooxaha heerka 2-aad ee cayaaraha beach soccer-ka ee dalka Switzerland.
Xulka kubadda cagta jaaliyadda soomaalida Magaaada George ee dalka South Africa ayaa 4-3 ugu awood sheegtay kooxda magaaada swellendam ka gadaal ciyaar kulul oo ku dhex martay garoonka lagu magacaabo stadium George.
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa ku dhawaaqay taariikhda la qabanayo horyaalada kubada cagta ee kooxaha heerka 1-aad iyo 2-aabad ee sanadka 2009-ka.