SHEEKH DR MAXAMED AMIIN ADEN (SHEEKH SHAADIBI)OO LAKJARO QIIME LEH KASOO JEEDIYEY HELSINKI

Saturday August 15, 2009 - 19:57:18
0 Comments
2403
Shaafici Muxyidiin
Sheekh Dr Maxamed amiin ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu ka mid yahay sheekhyaasha tiradda yar ee cilmiga fiqiga ka haystaa aqoonsiga ama shahaadda ugu sareeysa ee PHD-da,sheekha ayaa waxaa dadka nasiibka u helaa ka faa,ideystaan xiliga uu lajoogo.


Sheekha ayaa degan wadanka Sacuudiga, waxaana uu booqoshooyin kusoo marayaa wadamadda Yurub qaar,waxaana sheekha uu soo maray wadanka Norwey,halka ay reer Helsinkina u heleen inuu kusoo booqdo wadankooda.

Haddaba sheekha ayaa waxaa uu maanta oo sabti ah soo jeediyey muxaadarooyin dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen sidee loogu gaaraa raali ahaanshaha ilaahey iyo Quraanka noloshaada sidee buu saamayin ugu yeelan karaa,haddaba dadkii yimid halkaas ay aad ayay ugu maqsuudeen,waxaa haddaba markii ay muxaadarooyinkaas dhamaadeen halkaas laga soo jeediyey inay beri oo Axad ahna ay jiridoonto muxaadarooyinkii maanta dhacay iyo kuwa kasii dhadhan wanaagsan .

waxaan haddaba reer Finland qaas ahaan reer Helsinki aan lasocodsiinaynaa in ay beri kasoo qayb galaan muxaadarooyinkaas qiimaha leh oo ka dhici doona magaaladda Helsinki qaas ahaan masaajidka RAABIDADA saacadu markay tahay 14.30 galabnimo ilaa iyo 19.00 fiidnimo.

Waxaan maamulaka webkaan idiin rajaynayaa inaad kasoo qaybgashaan dacwada ilaahay,kana faaideysataan kalimadda uu sheekhaas idiin soo gudbinayo insha alah

Maamulka raabidada waaxaad kala xiriiri kartaan taleefonka ah 0442118870

 

NB: Shabakadda wararka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa ay kaalin weyn ka qaadaneysaa dhiiri gelinta dhaqanka suuban ee diinta Islaamka

 

Somali Football Media Department

 

Email:Somalifootballmedia@gmail.com

 

+2525-0-969815 Cell

+2525 936226   office



Leave a comment