Cabdi Caddaay oo ku guuleystay cayaarihii tijaabada ee kooxda FC U

Saturday August 01, 2009 - 09:41:32
0 Comments
2409
Shaafici Muxyidiin
Abdirashiid Caddaay waxaa uu ka mid ahaa ciyaartoydii xulka qaranka Soomaaliya ee sanadkan ka qeyb galay cayaaraha Bariga iyo bartamaha Afrika, waxaana uu hada mustaqbal wanaagsan ku leeyahay cayaarta kubada cagta.


Abdirashid wuxuu metalayey xulka qaranka Soomaliyeed, wuxuuna muujiyey xirfad ciyaareed iyo dadaal dheeri ahba, iyadoo ay wada jeclaysteen macallinka kooxda. ciyaartoyda iyo maamulka xiriirkaba.

 

Abdirashiid Caddaay oo haysta dhalasho Norwejiyaan ah, ayaa ciyaaro tijaabo ah u joogay dalka Ingiriiska.

 

Ina caddaay wuxuu ku guulaystay tijaabadii ciyaarihiisa oo ay aad ula dhaceen kooxdii tijaabinaysay. Abdirashiid oo walaalkiisa Abdisalaam horey ugu ciyaarayey Kooxda Manchester City iyo xulka Qaranka Norway ayaa ku soo dhaweeyey magaalada Manchester. Kooxda uu hadda u saxiixi doono Abdirashid ayaa iyadana ka dhisan magaalada Manchester.

 

Agentiga Abdirashid oo ah aabihiisa Abdulkadir Caddaay ayaa maalinimada Sabtida, heshiis hor dhac ah la fariisan doona Mulkiilaha kooxda iyo Managerkooda.

 

Abdirashiid oo waqti dheer ku qaadatay in uu ka mid noqda kooxaha ka ciyaara dalka Ingiriiska ayaa hadda waxaa laga doonayaa in uu dadaal dheer sameeyo, si uu waddo ugu sii furo ciyaartoyda soomaaliyeed kuwooda tayada leh.

 

 

Somali football Media Department

 

Email: somalifootballmedia@gmail.com

 

+2525-0-969815 Cell

+2525 936226   office

 



Leave a comment