Guddoomiye Mugaabe iyo wafdi uu horkacayo oo ku sugan Puntland

Wednesday August 19, 2009 - 17:45:49
0 Comments
2605
Shaafici Muxyidiin
Iyadoo lagu wado in gobalada Puntland lagu qabto tartanka kubada cagta gobalada dalka Soomnaaliya ka hor dhamadaka sanadkan ayaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid maxamuud Nuur Mugaabe waxaa uu maanta gaaray magaaada gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.


Wafdiga guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay ,masuuliyiinta kubada cagta,cayaartoy iyo taageerayaal, waxaana ujeedka socdaalka guddoomiyuhu ay tahay in uu madaxda Puntland kala hadlo qabashada wareega ugu dambeeya ee cayaaraha 18-aad ee kubada cagta dalka Soomaaliya oo lagu wado in ay Puntland ka dhacaan ka hor dhamaadka sanadkan.

 

Guddoomiye Siciid oo ay wehliyaan ku xigeenkiisa koobaad Cali Saciid Guuleed Rooble iyo xoxgaha xiriirka ayaa kulan la qaadan doona madaxweynaha maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland cabdiraxmaan Faroole oo ay kala hadlayaan marti gelinta Puntland ee cayaaraha gobalada.

 

“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu maamulaa Soomaaliya oo dhan sharci ahaan,waana isugu keen mid hadii aan Muqdisho ku qabano iyo hadii aan Puntland ku qabanaba,laakin xiligan Puntland ayaan u aragnay in ay ku haboontahay sababtoo ah waad ogtihiin sida ay tahay xaalada Muqdisho”ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Mugaabe oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho wax yar ka hor intii aanu u duulin magaalada Gaalkacyo.

 

Cayaaraha gobalada ayaa haatan hakad ku jira iyadoo sababtuna ay tahay dagaalada maalinle yaasha noqday ee ka jira magaalada Muqdisho oo dadkii daganaana ku dhawaad 80% ay ka qexeen sababo amaan xumo awgood.

 

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa joogi doona Puntland muddo 4 maalin ah iyadoo kadibna ay dib ugusoo laaban doonaan magaalada Muqdisho oo ah halka ay ku taao xarunta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

Inkastoo rabshado ay ka jiraan Muqdisho ayaa hadana dhaq dhaqaaqyadii kubada cagtu aanay hakan waxaana todobaadkii hore Muqdisho ka amba baxay xulka qaranka kubada cagta dalka Soomaaliya ee U-17-ka oo haatan ku sugan dalka Sudan oo ay kaga qeyb galayaan cayaaraha bariga iyo bartamaha Afrika.

 

 

By Shafici Mohyaddin Abokar (Islow)

 

Somali Football Media Department

 

Email:Somalifootballmedia@gmail.com

 

+2525-0-969815 Cell

+2525 936226   office



Leave a comment