Guddoomiye ku xigeenka GOS oo kormeeray xulka U-17-ka

Monday August 03, 2009 - 09:22:00
0 Comments
2666
Shaafici Muxyidiin
Guddoomiye ku xigeenka guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee xiriirka caalamiga ah Duran Axmed Faarax ayaa Axdii booqasho ugu tagay xulka U-17-ka kubada cagta dalka Soomaaliya oo haatan tababar ku qaadanaya garoonka dugsiga sare ee booliska kadib markii ay kasoo qexeen stadium Banaadir.


Ujeedada booqashada guddoomiye ku xigeenka ayaa ahady in uu bal soo kormeero qaabka ay cayaartoydu tababarka u qaadanayaan, waxaana uu sheegay in uu aad ugu kalsoon yahay in wax weyn la qabtay.

 

‘Waxaan idin rajeynayaa guul iyo mustaqbal wanaagsan in aad ku yeelataan cayaarta kubada cagta”ayuu guyddoomiye ku xigeenku ku yiri cayaartoyda xulka U-17-ka isagoona ku dhiiri geliyay in ay dadaalkooda sii laba jibaaraan si ay calanka iyo sharafta Soomaaliya u difaacaan.

 

Tababaraha xuka U-17-ka Maxamed Cabdulle farayare ayaa guddoomiye ku xigeenka uga war bixiyay xaalada adag oo ay ku shaqeeyaan, mudadii ay tababarka sio qaadanayeen dhibaatooyinkii ay la kulmeen iyo sida ay hada rajadoodu tahay.

 

“Mudane guddoomiye ku xigeen inkastoo aan dhibaato adag wajahayno hadana waxaan qabnaa kalsooni buuxda, booqasho iyo ka qeybgalna uma tageynee waxaan u tageynaa tartan guul ayaana rajeynayaa”ayuu tababaraha xulka U-17-ku u sheegay guddoomiye ku xigeenka GOS ee xiriirka caalamiga ah Duran Farax.

 

“Mudane gudoomiye ku xigeen waxaan rabaa in aan hortaada uga mahad celiyo guddoomiyaha naadiga Heegan Col Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo runtii nagu deeqay garoonkan aan ku tababar qaadano kadib markii aan soo qaxnay” ayuu tababaruhu ku yiri guddoomiye ku xigeenka GOS.

 

Intaa kadib waxaa uu guddoomiye ku ixgeenku la kulmay cayaartoyda kubada cagta ee naadiga Heegan ee dhawaan dib loo dhisay waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu noqdo masuulkii ugu horeeyay ee GOS ka tirsan oo arka kooxda kubada cagta naadiga Heegan.

 

Guddoomiyaha naadiga Heegan Col Cali Shiine  ayaa guddoomiye ku xigeenka siiyay warbixin ku aadan heerka uu naadigu haatan marayo iyo rajadiisa mustaqbalka dhow.

 

“Mudane guddoomiye ku xigeen waxaan rajeyneynaa in naadigani uu noqdo kan cayaartoyda ugu badan ee xulalka qaranku ay kasoo baxaan sida kubada cagta, Kubada koleyga,kubada gacanta, Kubada laliska iyo cayaaraha fudud”ayuu guddoomiyaha naadigu u sheegay guddoomiye ku xigeenka GOS.

 

Guddoomiye ku xigeenka oo aad ugu faraxsanaa wixii uu arkay ayaa mid mid u gacan qaaday cayaartoyda kooxda kubada cagta ee naadiga Heegan waxaana kadib uu booqday goob ay ku xareysan yihiin dhalinyaro aad u da’yar yar oo kubada cagta lagu bar baarinayo kadib markii ay Soomaaliya heshay mashruuca FIFA bixiso ee horumarinta kubada cagta ee Goal Project.

 

Guddoomiye ku xigeenka GOS ee xiriirka caalamiga ah waxaa kormeerkiisa ku wehlinayay guddoomiyaha xiriirka kubada  cagta Soomaaliyed Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe, Ku xigeenkiisa koobaad cali Saciid Guuleed Rooble,kaaliyaha xoghayaha xiriirka kubada cagta Xasan Maxamed Maxamuud Farey, guddoomiyaha guddiga danaha cayaartoyda Soomaaliyeed Xasan Axmed Barre iyo Yaxye Abuukar Aayow oo xubin ka ah guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

Somali football Media Department

 

Email: somalifootballmedia@gmail.com

 

+2525-0-969815 Cell

+2525 936226   office



Leave a comment