Xiriirka kubada Cagta oo amaan u jeediyay Maamulka Naadiga Heegan

Saturday July 25, 2009 - 08:14:49
0 Comments
3012
Shaafici Muxyidiin
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Mudane Cali Saciid Guuleed ayaa si weyn u amaanay maamulayaaha naadiga ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan oo dhawaan sameystay koox kubada cagta ah.


Guddoomiye ku xigeenka ayaa amaantan u gudbiyay maamulayaasha naadiga kadib kulan uu la yeeshay guddoomiyaha naadiga Heegan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Col Cali Cabdi Maxamed (Shiine).

 

Waxaa uu guddoomiye ku xigeenka kubada cagtu sheegay in taariikhda isboortiga Soomaaliyeed ay waligeed xusi doonto wax qabadka maamulka naadiga heegan gaar ahaana maageliyaha naadiga sportiga ee Heegan ahna taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

 

Naadiga heegan oo horay u lahaa kooxaha kubada koleyga,gacanta,laliska iyo cayaaraha fudud ayaa haatan sameystay koox kubada cagta ah.

 

Todobaakii lasoo dhaafay ayaa kooxda kubada cagta ee naadiga Heegan waxaa ay 3 cayaarood oo saaxiibtinimo la yeelatay xulka qaranka U 17-ka oo haatan u diyaar garoobaya cayaaraha dhalinyarada da’doodu ka yartahay 17-ka sano ee bisha October ka dhici doona dalka Sudan.

 

Somali football Media Department

 

Email: somalifootballmedia@gmail.com

 

+2525-0-969815 Cell

+2525 936226   office

 



Leave a comment