DFS oo ku gaan seyrtay in Soomaalidu ay qarxin rabaan koobka aduunka ee 2010-ka.

Friday October 16, 2009 - 21:22:27
0 Comments
2390
Shaafici Muxyidiin
Dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta oo jimco ah waxaa ay si kulul ugu gacan seyrtay warar ay warbaahinta dalka Koofurta Afrika shaaciyeen oo sheegayay in dad Soomaaliyeed oo xariir la leh AL qaacida ay doonayaan in ay weeraraan koobka aduunka ee sanadka dambe ka dhacaya dalkaasi iyo safaarada mareykanka .


Wasiirka jaaliyadaha dibad jooga ah Cabdulaahi Cumar Azhari oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ku tiri ku teen aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay wararkaas warbaahinta koofurta Afrika shaaciyeen.

Waxaa uu wasiirku sheegay in dal kasta uu xaq u leeyahay in uu baaritaano sameeyo amaankiisana adkeysto waxaase uu beeniyay in ay jiraan Soomaali ku xiran Al qaacida oo u diyaar garoobaya koobka aduunka in ay weeraraan.

 “Dal kasta oo dunidan ku yaala xaq ayuu u leeyahay in uu ka hortago caqabad xaga amaanka ah hadii ay kusoo fool leedahay laakin waxaanu xaqiijineynaa in dadka Soomaaliyeed aanay xariir la lahayn Al qaacida weerarna aanay diyaarineynin ,waxaana ugu baaqaynaa dowladda koofurta Afrika in aanay shacabka Soomaaliyeed ee qoxootiga ah ku tiimbareynin argagixiso”ayuu wasiirku si kulul u yiri.

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii ay wargeyso waaweyn oo dalkaasi kasoo baxaahi qoreen warbixino ay ku sheegayeen in sir doonku dhageysteen wada sheekeysi teleefon oo dhex maray dad Soomaaliyeed oo ku sugan koofurta Afrika iyo dagaalyahanka Al shabaab kuwaas oo ku saabsanaa u diyaar garowga weeraro lagu qaado koobka aduunka iyo danaha mareykanku uu ka leeyahay dalkaasi.

Waxaa ay wargeysadu sheegeen in weeraradaasi looga aar goosan doono dilkii bartamihii bishii hore diyaaradaha mareykanku u gyesteen Saalax Cali Saalax Nabhaan oo Mareykanku ku tilmaamay in uu ahaa abaanduulka Qaacida ee geeska Afrika.

Tobanaan kun oo ganacsato Soomaaliyeed ah ayaa ka shaqeysta dalkaasi waxaana uu dalkani noqday kan labaad ee Soomaalidu ku leedahay ganacsiga ugu badan Afrika marka laga reebo dalka dariska la ah Soomaaliya ee Kenya.

By Shafi’i Mohyaddin Abokar (islow)

 

Somali Football Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

+25250 969815 Cell

+2525 936226 Office

+2521 600601   Fax



Leave a comment