Xulka qaranka U-17 oo loo qabtay xaflad sagootin ah

Thursday August 13, 2009 - 13:14:23
0 Comments
2618
Shaafici Muxyidiin
Xaflad si heer are ah loosoo qaban qaabiyay looguna talagaay in lagu macsalaameeyo xulka qaranka U-17-ka dalka Soomaaliya ayaa saaka lagu qabtay hotelka saxafi International ee magaalada Muqdisho.


Xafladdan ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka kala socotay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta,guddiga Olombikada Soomaaliyeed,wasiiro,xildhibaano,guddoomiye yaasha naadiyada kubada cagta,taageerayaal iyo marti sharaf kale.

 

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe oo ugu horeyn munaabada ka hadlay ayaa sheegay in xiriirku juhdi iyo dadlal farabadan geliyay xulka U-17-ka oo barri oo jimco ah u baqooli doona dalka Sudan.

 

Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in wax qabadka la taaban karo ee xiriirku xiligan ku talaabsaday ay ka mid tahay in xulka ay maanta ku jiraan caruur hore ciyaal darbi u ahaa iyo kuwo kaba caseeyeyaal ahaa.

 

“Hada waxaan keenay ilmahan aad u jeedaan oo qaarkood aan wadooyinka kasoo kexeynay, sida Eeney oo hada hortiina fadhiya waxana naga go’an in aan sii wadno dadaalkeena ku aadan in caruurta qoryaha sita ama darbi jiifyada ah aan soo gelino xeyndaabka kubada cagta si ay qarankooda u difaacaan”ayuu guddoomiyaha kubada cagta Soomaaliyeed ka sheegay munasabadii sagootinka xulka qaranka da’doodu 17-ka sano ka yartahay.

 

Ku simaha guddoomiyaha GOS Xasan Axmed Cabdi "Elman" oo isna munaasabada hadal gaaban ka jeediyay ayaa xulka kula dar daarmay in ay guul soo hooyaan, waxaana uu sheegay in isagu shaqsiyan uu aaminsanyahay in ay sharaf iyo magac lasoo laaban doonaan.

 

“Waan ognahay sida xaalada dalku ay tahay iyo marxaladihii aad soo marteen oo xitaa garoonkiinii tababarka aad kasoo qaxdeen,laakin hadana kalsooni buuxda ayaan ku qabaa in aad wacdare muujin doontaan marka aad tagtaan Sudan”ayuu ku simaha GOS u sheegay cayaartoyda da’da yar oo guusha qaranku ay garbohooda ku xiran tahay.

 

Wasiirka isboortiga iyo dhalinyarda ee dowladda Soomaaliya Suleymaan Colaad Rooble ayaa isna sheegay in bixtaanka xula qaranku ay tahay talaabo horumar leh oo aad loogu farxo.

 

“Hadii aad guul keentaan waxaan idin balan qaadayaa in madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif sheekh Axmed uu garoonka idinkugu yimaado oo soo dhaweyna idin sameeyo”ayuu wasiirku u sheegay xulka qaranka isagoona soo gaarsiiyay salaan uu kaga siday madaxweynaha iyo ra’isuwasaaraha Soomaaliya.

 

Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Cali Jaamac Jengeli oo isna munaasabada hadal ka jeediyay ayaa ugu horeyn amaan balaaran u jeediyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo uu sheegay in wax weyn oo muuqda uu qabtay,kana bad baadiyay caruur badan oo Soomaaliyeed in ay qoryo qaadaan oo taa badalkeedana ay noqdaan xirfadle yaal kubada cagta ah.

 

“Sharafta ugu weyn ee qofi yeesho waa in uu qarankiisa matalo,waxa aad qaadeysaan waa calanka Soomaaliya waxaana Ale idinkaga baryayaa in uu guusha idin siiyo”ayuu wasiirka gaadiidka cirika iyo dhulku usheegay ciyaartoyda qaranka.

 

“Ka qeybgalka ayaaba ah wax weyn, sababtoo ah Soomaaliya mudo dheer ayay dagaalo sokeeye soo cunaeen wax kastana way burbureen,laakin hadana guul ayaan idin rajeyneynaa,maantana muddo dheer kadib waxan aad ugu faraxsanahay in aan arko dhalkinyaro Soomaaliyeed oo u baxaya in ay qaranka matalaan”ayuu yiri wasiirku.

 

“Waxa aad ka dhargi doontid aragooda ayaa ku deeqa anaguna waxaan maanta indhaha yaga ugu raaxeyneynaa aragtidiina quruxda badan, wax kale oo aan sheego ma garanayee guulbaan idin rajeynayaa”ayuu wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulku u sheegay xubnaha xulka qaranka.

 

Waxaa isna hlkaa ka haday wasiirka boostada iyo is gaarsiinta ee dowladda federalka Soomaaliya Dr. Cabdirisaaq cusmaan Jurile oo runtii si weyn u guubaabiyay xulka qaranka wax badana ka sheekeeyay awoodii sporti ee Soomaaliya bari samaadkii.

 

“Waxa aad sidaan waa calanka Soomaaliya waxaadna mataleysaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan oo uu madaxweynuhu ugu sareeyo waxaana idin heynaa taageero iyo niyad sami buuxda “ayuu wasiirka boostada iyo isgaarsiintu u sheegay xubnaha xulka qaranka Soomaaliyeed.

 

“Waa mid aad u farxad gelineysa muwaadin kasta oo Soomaaliyeed sababtoo ah iyadoo dalku ku jiro dhibaatadan adag ayaad hadana u bexeysaan in aad calanka Soomaaliyeed matashaan lana tartantaan cayaartoy dhigiina ah laakin kusoo koray nidaam dowladnimo,waligoodna aan xabad iyo dagal aarkin”sidaasi waxaa xulka qaranka u sheegay wasiirka boostada iyo is gaarsiinta Jurile.

 

Munaasabada kadib ayay ciyaartoydu dib ugu laabteen garoonka dugsiga sare ee booliska halkaas oo wariyeyaasha wakaaladaha wararka u jooga wareysiyo kaga qaadeen xubnaha xulka qaranka oo uu ka mid yahay cayaaryahay Eeney oo lagasoo saaray noloshii caseeye nimada hadana ah cayaaryahan dalkiisa matalaya.

 

Sida aad ka arki kareysaan sawirkanba waxaa isla goobtan oo ah Iskuulka sare ee booliska warbixin ka diraya Cabdiraxmaan Warsame oo ah wariyaha wakaalada wararka dalka shiinaha ee Xinhua News Agency iyo Teleefihisnkeedaba u jooga Soomaaliya waxaana tani ay muujineysaa sida aadka ah ee warbaahinta caalamku u daneyneyso warbixinada xuka qaranka U-17.

 

Si kastaba ha ahaatee munaasabadii sagootinta xulka qaranku waxaa ay ku soo idlaatay jawi heer sare ah,iyadoo dhamaana dadkii ka qeybgalay wajiyadooda laga dareemikarayay qiiro wadanimo oo aad u sareysa.

 

By Shafici Muxuyadiin Abuukar (Islow)

 

Somali football Media Department

 

Email: somalifootballmedia@gmail.com

 

+2525-0-969815 Cell

+2525 936226   office



Leave a comment