Green Field oo soo gabagabeyneysa dhismaha garoonka Banaadir

Thursday July 30, 2009 - 11:32:39
0 Comments
2408
Shaafici Muxyidiin
Iyadoo wali uu hakad ku jiro dib u dhiska lagu hayo garoonka kubada cagta ee Stadium Banaadir ayaa waxaa xoghayaha guud ee xiriirka cabdi Qani Saciid Carab uu madaxa mashruucyada ee sirkadda Green Field Mr. Sophocles kala hadlay sidii howsha dhaqso loogusoo gabagabeyn lahaa.


Xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in kulanka oo 27-kii bishan ka dhacay Hotelka Sheraton ee magaalada
Dubai uu ku dhamaaday is afgarad weyn.

 

“Intii uu  socday kulankeeni waxaan ka wada hadalnay sidii loo dar dar gelin lahaa dhismaha garoonka,inkastoo xaalada amaan ee Soomaaliya ay tahay mid aad u adag ayaa hadana waxaan isla garanay in wixii awooda ah la isugu geeyo sidii dhismaha garoonka loo dhameystiri ahaa”sidaasi waxaa yiri xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab.

 

Isagoo ku hadlayay magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubad cagta ayaa xoghayuhu waxaa uu shirkadda u balan qaaday in uu daboolayo wixii wax qabad ah ee dalka gudihiisa ah ,isagoo la kaashanaya wasaarada isboortiga iyo bahweynta isboortiga Soomaaliyeed.

 

Shirkadda dhismaha caalamiga ah ee Green Field Company waxaa ay balan qaaday in ay dhawaan dalka Soomaaliya usoo diri doonto khubaradii garoonka saari ahaa cawska artifishaalka ah iyo qalabka kale ee loo baahan yahay,sida uu xoghayuhu sheegay.

 

Waxaa ay shrikaddu ka codsaday maamulayaasha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta in ay gacan ku siiyaan sidii howshani ay u guuleysan lahayd,waxaana masuulkan shirkadda ka socday uu aad ugu mahadceliyay xiriirka kubada cagta iyo shirkadda wadaniga ah ee howsha dib u dayactirka ku howlan oo runtii wax weyn qabtay tan iyo intii barnaamijkani uu soo bilowday.

 

“Maamualaasha xiriirka kubada cagta Soomaaliya waxaa ay ku shaqeeyaan dal aanay xitaa in lagu noolaado suuragal ahayn, waxaana ku tilmaami karaa in ay yihiin Professionals” ayuu kulanka ka sheegay Mr. Sophocles.

 

Dhimaha garoonka stadium Banaadir ayaa lasoo bilaabay muddo ku dhawad hal sano ah ka hor laakin dhibaatooyinka amaan ee dalka Soomaaliya ka jira iyo dagaalada ugu yaaraantii maalinleyaasha ah ayaa ka mid ah waxyaabaha sababay in wali dacyactirku aanu dhamaan.

 

Garoonka ayaa ku yaala degmada Cabdi casiis oo haatan ah meesha dagaalada ugu badani ay ku dhex maraan ciidamada dowladda iyo kooxaha kasoo hor jeeda.


 

Somali football Media Department

 

Email: somalifootballmedia@gmail.com

 

+2525-0-969815 Cell

+2525 936226   office



Leave a comment