Tartanka Horumarinta Dhalinyarada

Tartamada uu qabto xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta waxaa ka mid ah:

Tartanka dhalinyarada

Tartanka dhalinyarada, waa sanadle waxaana loo qabtaa dhalinyarada da’doodu u dhexeyso 8-16 sanadood.

Ujeedada ugu weyn ee tartankan loo qabtaahi waxaa ay tahay in lasoo saaro dhalinyaro aad ugu wanaagsan cayaaraha mustaqbalkana difaaca calanka iyo sharafta Soomaaliyeed.

Waajibaadka qaran ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayay ka mid tahay in  sanadkiiba ugu yaraan hal mar la qabto tartanka dhallinyarada si caruurta Soomaaliyeed loogu barbaariyo kubada cagta.