Tababare Mourinho oo hal cayaar la ganaaxay

Monday September 21, 2009 - 21:47:51
0 Comments
2710
Shaafici Muxyidiin
Macallinka kooxda Inter ee dalka Talyaaniga Jose Mourinho ayaa la dul dhigay ganaax ah in aanu halcayaar oo soo socota ka qeyb qaadan doonin kadib markii uu aflagaado shaqsiyadeed ku kacay intii ay socotay cayaar kooxdiisu ay 2-1 kaga badisay Cagliari Maalintii Axaddii.


Go'aankan oo uu xaqiijiyay Lega Calcio ayaa waxaa la qaatay kadib markii xaakinka Isboorti ee la yiraahdo Gianpaolo Tosel uu si fiican u darsay warbixin uu soo gudbiyay garoorihii cayaartii Axadii maamulayay.

Madaxda Lega Calcio go'aanka ay ka qaateen tababare Mourinho ayaa waxaa raga cayaaraha ka faaloodaahi ay sheegeen in uu ku qasbayo tababaraha Inter in uu tribuunaha uun ka daawado cayaarta Arbacada soo socta dhex mari doonta kooxaha Inter iyo Napoli oo ka wada dhisan dalka Talyaaniga.

Dhanka kale kooxda Roma ayaa la ganaaxay kadib markii taageerayaasheedu ay wax kharbudeen intii ay socotay cayaar ay Roma la yeelatay Fiorentina oo 3-1 looga badiyay Fiorentina.

Source: Goal.com

Somali Football Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

+25250 969815 Cell

+2525 936226 Office

+2521 600601 Fax



Leave a comment