Xoghayaha SFF oo ka warbixiyay wax qabadka sanadkan

Monday August 31, 2009 - 16:11:35
0 Comments
2505
Shaafici Muxyidiin
Iyadoo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu dhaq dhaqaaqyadiisa ku baahiyay dalka Soomaaliya oo dhan ayaa xoghayaha xiriirka cabdi Qani Saciid carab waxaa uu maanta qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay waxyaabihii xiriirk u qabsoomay tan iyo bilowgii sanadkan iyo caqabadaha hortaagan wax badan oo la qaban lahaa.

 

 

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab waxaa uu ugu horeyn shirkiisa jaraa’id kaga warbixiyay safarro shaqo oo uu kusoo kala bixiyay wadamo dhowr ah oo yurub, Asia iyo Afrika ah iyo maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntand oo haatan u diyaar garoobaya marti gelinta cayaaraha 18-aad ee gobalada dalka.

 

Waxaa uu xoghayahu sheegay in uu socdaalo shaqo kusoo kalabixiyay wadamada Holand, Sweden, Imaaraadka, Jabuuti iyo waliba maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland socdaaladaas oo ku aadanaa horumarinta kubada cagta dalka Soomaaliya kunasoo dhamaaday guul.

 

Xoghayuhu Waxaa uu intaa raaciyay  in inkastoo dalku ku sugan yahay xaalad amaan darro tii ugu xumeyd hadana xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta madaxdiisu ay iska xil saareen in aanay dhaq dhaqaaqyada kubada cagta dalku joogsan arrintaasna guul weyn laga gaaray.

 

Waxaa uu xoghayuhu ka dhawaajiyay 27-kii bishii July uu magaalada Dubai kula kulmay madaxa mashaariicda shirkadda Green Field Mr. Sophocles oo ay isku afgarteen in ka hor dhamaadka sanadkan la dhameystiro dhismaha garoonka Banaadir Stadium.

 

“Garoonak dhismihiisa haatan 50% waa la dhisay kadibna hakad ayuu galay sababo la xariira xaalada amaan ee magaalada Muqdisho oo aad u xumaatay bilihii u dambeeyay, sida aad la socotaana garoonku waxaa uu ku yaalaa degmada cabdi casiis oo dad ku nool iyo howl ka socota midna aysan jirin”ayuu yiri xoghayuhu.

 

Waxaa uu sheegay in aad loogu rajo weyn yahay xaalada amaan in ay is badasho islamarkaana dabayaaqada sanadkan la dhameystiro dhismaha garoonka oo shacabka soomaaliyeed gaar ahaan bahweynta kubada cagtu ay aad ugu baahan yihiin.

 

Dhismaha garoonka stadium Banaadir waxaa lasoo bilaabay bishiiJuly ee sanadkii hore waxaana lagu waday in uu soo dhameystirmo horaantii sanadkan laakin amaan darrida iyo dagaalada ka jira magaalada Muqdisho ayaa ah caqbadaha ugu waweyn ee sababay in shaqada dhismuhu hakad gasho.

 

Xoghayhuhu Waxaa uu ugu baaqay taageerayaasha kubada cagta Soomaaliyeed in ay dul qaataan inta laga dhameystirayo dhismaha garoonka oo sababo xaga amnaanka ah awgood u hakaday.

 

Isagoo ka hadlayay socdaal madaxda xiriirku ay dhawaan ku tageen maamul gobaleedka Puntland waxaa uu xoghayaha xiriirku sheegay in ay kulan la qaateen madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland cabdiraxmaan Maxamudu Faroole iyo ku xigeenkiisa cabdi samad cali shire ayna isku afgarteen in gobalka Puntland uu sameynayo wax kasta oo la xariira horumarinta kubada cagta Soomaaliyeed.

 

“Aniga oo ku hadlaaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaan aad ugu mahad celinayaa madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan maxamuud Faroole iyo guud ahaan xubnaha dowladiisa oo balan qaaday jiifka iyo cunada masuuliyiinta iyo cayaartoyda goballada dalka oo dhan ka kala imaanaya”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed.

 

“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo masuul ka ah dalka Soomaaliya oo dhan iyo maamulka puntland waxaa ay isla waqtiyeeyeen qabashada cayaaraha 18-aad ee kubada cagta dalka Soomaaliya oo loo qorsheeyay in ay ka dhacaan Puntland 15-31-ka bisha December ee dabayaaqada sanadkan”ayuu xoghayuhu hadalkiisa sii daba dhigay.

 

Cabdi Qani waxaa kaloo uu sheegay in bisha October 25-keeda ilaa iyo 31-keeda tababar heer caalami ah macalimiinta kubada cagta Soomaaliyeed loogu qabanayo magaalada Jabuuti ee xarunta dalka jabuuti.

 

“Tababarada noocan oo kale ah oo ay bixinayaan macalimiin caalami ah sanad kasta ayaan xaq u leenahay laakin xaalada amaan ee dalka ayaa noo diiday in aan hada ka hor qabano waxaanse rajeyneynaa halkii aan doonaba aan ku qabanee in sanad kasta tababarku qabsoomo”ayuu xoghayuhu hadalkiisa sii daba dhigay.

 

Soomaaliya ma lahayn dowlad dhexe oo shaqeyneysa ku dhawaad 20 sanadood dhamaan hey’adihii dowliga ahaana waa ay bur brueen laakin guddiga olombikada Soomaaliyeed iyo xiriiradiisa oo ay kubada cagtu ugu weyntahay ayaa ahaa calan sidayaasha qaranka waxaana ay ku guuleysteen in magaca iyo calanka Soomaaliyeed ay dhex geeyan fagaarayasha bulshada isboorti ee caalamku isugu timaado.

 

Somali Football Media Department

 

+25250 969815

+2525 936226

Email-somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment