Guddoomiyaha SFF oo balan qaad lacageed u sameeyay xulka U 17

Friday August 14, 2009 - 16:58:17
0 Comments
3279
Shaafici Muxyidiin
Ka hor intii aanay ka amba bixin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe waxaa uu kumanaan doolar u balan qaaday cayaartoyda xulka qaranka U 17 hadii ay guul soo hooyaan.


“Waxaad sameyseen dadaal dheeri ah, waxaad soo marteen xili adag, wuxuuna xiriirku idin siinayaa mudnaanta koobaad”ayuu guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu u sheegay xulka qaranka isagoo u balan qaaday midkiiba lacag dhan 3-kun oo doolarka Mareykanka ah hadii ay soo guuleystaan.

 

“Anaga waxaa naga go’an in aan wax kasta oo awoodeena ah gelino xulka qaranka oo runtii ah calan sidayaasha Soomaaliya,waxaana idin sheegayaa in xiriirku mid kasta oo idinka mid ah dhul u iibin doono,laakin taasi waxaa ay ku xiran tahay sida wanaagsan ee aad u ciyaartaan guulna ugusoo hoysaan Soomaaliya”ayuu guddoomiye Siciid Mugaabe u sheegay xunbaha xulka qaranka U-17 oo uu kula hadlayay garoonka diyaaradaha Aadan cadde maanta.

 

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Siciid Guuleed ayaa ku booriyay xulka qaranka in ay asluubtooda wanaajiyaan isla markaana muujiyaan cayaar wanaag inta ay socdaan cayaaraha CECAFA U-17 oo ay sanadkan kaga qeyb gaayaan dalka Sudan.

 

Wasiiro, xidhibaano iyo dad weyne aad u farabadan ayaa ku sugnaa garoonka diyaaradaha ilaa iyo saaka waabarigii si ay usii sagootyiyaan xulka qaranka Soomaaliyeed ee da’doodu 17-ka sano ka yartahay.

 

Wasiirka ganasiga dowladda ku meel gaarka ah Cabdirashiid Cirro oo ka mid ahaa  wasiiradii garoonka tagay si ay xulka u sagootiyaan ayaa sheegay ijn wasaaradiisu ay hab maamuus qaran u sameyn doonto xulka qaranka marka ay dalka dib ugusoo laabtaan.

 

Xoghayaha joogtada ah ee wasarada maaliyada Soomaaliya Axmed Yaaqshiid oo ka mid ahaa masuuliyiintii dowladeed oo maanta xulka sii macsalaameynayay ayaa waxaa uu lacag doolar ah guddoonsiiyay Aadan Xuseen Ibraahim (Eeney) oo horay u ahaan jiray kaba caseeye haatana ka mid ah xulka qaranka.

 

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ahaa mudanayaashii xulka sii sagootiyay ayaa ugu duceeyay in uu Allah gacanta sare soo siiyo.

 

Soomaaliya ma lahayn dowlad dhexe oo shaqeyneysa 19-kii sanadood ee lasoo dhaafay laakin guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo xiriiradiisa oo uu ugu weyn yahay xiriirka kubada cagta ayaa calanka Soomaaliyeed geynayay meel kasta si ay Soomaaliya ugu matalaan tartamada isboorti ee caalamka.

 

 

By Shafici Mohyaddin Abokar (Islow)

 

Somali Football Media Department

 

Email:Somalifootballmedia@gmail.com

 

+2525-0-969815 Cell

+2525 936226   office



Leave a comment