Khabiirkii FIFA oo dalka ka dhoofay

Saturday August 24, 2013 - 00:39:04
1 Comments
2786
Super Admin
Khabiirkii ka socday Ururka kubada cagta aduunka ee FIFA Ulric Mathiot ayaa soo gaba gabeeyay muddo 10 maalmood ah oo uu joogay dalka Soomaaliya oo uu ka fuliyay tababarka noociisu yahay FIFA Grassroots Coaching Course" kaasoo qeyb ka ahaa hindisaha gudoomiyaha FIFA Joseph S Blatter ee "touch the world" oo macneheedu yahay soo taabo aduunka loolana jeedo in Kubada cagtu gaarto meel kasta oo adduunka ah.


Madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo ay hogaaminayeen guddoomiye Cali siciid Guuleed Rooble iyo xoghaye Cabdi Qani Saciid Carab uuna ka mid ahaa madaxa borotokoolka xiriirka Abuukar Islow Xasan ayaa khabiirka FIFA maanta oo jimco ah kusii sagootiyay garoonka diyaadaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale maalintii khamiistii ayaa khabiirka munaasabad sagootin ah loogu qabtay baarka weyn ee Lido Sea Food Restaurant halkaasoo madaxda xiriirku ay si weyn ugu mahad celiyeen khabiirkan dadaalkii uu ku bixiyay wax barida macalimiinta kubada cagta Soomaaliyeed oo gobolada dalka oo dhan isaga kala yimid.



Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo munaasabada hadal ka jeediyay ayaa ku amaanay khabiirka sida uu gogol xaarka ugu noqday imaatinka mustqabalka ee macalimiinta FIFA ee dalka Soomaaliya oo ay ugu dambeysay in qof FIFA ka socdaahi yimaado sanadku markuu ahaa 1986-kii.


"Mudane khabiir anigoo ku hadlaaya magaca guud ahaan bahweynta kubada cagta dalka Soomaaliya meel kasta oo ay caalamka ka joogaan waxaan jeclaan lahaa in aan kaa codsado in aad naga raali ahaatid hadii ay jiraan qaladaad dhacay intii tababarku socday, sababtoo ah waxaan nahay bini’aadam waana gefeynaa oo aadanuhu ma dhameystirna”ayuu xoghayaha guud Mudane Cabdi Qani Saciid Carab ka sheegay munaasabada khabiirka lagu sagootinayay gellinkii dambe maalintii khamiistii.


"Munaasbadani laba ujeedo ayay xambaar saneed, mid waxay ahayd in loo mahadceliyo khabiirka imaatinkii uu yimid dalkan, mida kalana waxaa ay ahayd in sagootin loo sameeyo macalinka oo sadex koorso u dhigay Soomaaliya tan iyo sanadkii 2009-kii---arrinta mudan in si weyn loo xuso waa in ayan Soomaaliya waligeed iloobi doonin in walaalkeen Ulric Mathiot uu caalmka u muujiyay in Muqdisho ay tahay meel amaan ah oo lagu marti gelin karo koorsooyinka heer caalami ah”ayuu yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.


Khabiirka FIFA Ulric Mathiot oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu farxsanaa sida tababarkuku dhamaaday iyo soo dhaweynta heerka sare ah ee madaxda kubada cagta Soomaaliya ay u sameeyeen intii uu joogay. Wuxuu kaloo amaanay diyaar garowga xiriirku sameeyay oo uu sheegay in uu muujinayo sida ay uga go’antahay in la horu mariyo kubada cagta Soomaaliya oo ah dal dagaalo bur biriyeen.


"Waxaan la yaabanahay in aad maanta cudur daar isiineysaan, halka aniguna aan si weyn u hubo in wax qaladaad ahi aanay dhicin haba yaraatee intii tababarku socday, waxaan halkan ka qirayaa in abaabulku uu ahaa mid aad u sareeya, waxaan ku celinayaa hadal aan horay u sheegay maalintii furitaanka kaas oo ahaa in aan tababaro kasoo qabtay dalal aad u farabadan laakin aanan arkin dal wax u abaabulay sida Soomaaliya oo kale”ayuu khabiirku ka sheegay munaasabadii sagootintiisa.


"Cimilada Soomaaliya aad ayay u qurux badnaayeen runtiina waan jeclaaday”ayuu khabiirku hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.



Gabagabadaii munaasabada ayaa gtuddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali Saciid Guuleed Rooble waxaa uu khabiirka gudoonsiiyay hadiyad ka kooban kalaradad kala duwan ee dharka xulka qaranka kubada cagta dalka Soomaaliya ee lagu naaneeso (Ocean Stars), halka Maxamed Xaaji Cabdulle taako oo ku hadlayay magaca ka qeyb galayaasha uu macalinka guddoonsiiyay hadiyado hidadaha iyo dhaqanka Soomaaliya ah.


Koorsada FIFA ee lagu qabtay dalka Soomaaliya ayaa muujineysa guul weyn oo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu ku talaabsaday maadaama markii ugu horeysay muddo ku dhow 30 sanadood xiriirku ku guuleystay dadaalkiisii ku aadanaa in khabiiro ka socda FIFA yimaadaan dalka barnaamijyada FIFA-na dalka gudihiisa loosoo wareejiyo halka markii hore dibadaha loo aadi jiray wixii ka dambeeyay markii dowladii Soomaaliya ay dhacday sanadkii 1991-kii.


 

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment