Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee X/S/K/C oo ka qeyb galay doorashada xiriirka carabta.

Friday June 18, 2021 - 19:38:22
0 Comments
2250
Shaafici Muxyidiin
waxaa si rasmi ah uga furmay hotel0ka The Ritz-Carlton ee magaalada Jedda ee boqortooyada sacuudiga,shirka 26-aad ee golaha guud ee Xirirka kubadda cagta wadamada Carabta.

Shirkan waxaa dalka Soomaaliya uga qeyb galay wafdi ka socda xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta oo uu hogaaminayay gudoomiye ku xigeenka 1-aad Xiriirka, Cali Cabdi Maxamed.

Shirka ayaa lagu doortay Gudoomiyaha Xiriirka carabta ee afarta sano ee soo socota waxaana jagada gudoonka loo doortay amiir u dhashay dalka sacuudiga, Cabdul Aziiz Binu Turki Al-Feysal iyo sedeed xubin oo gudiga fulinta ah, oo ka kala socda wadamada Africa oo 4 ah, iyo kuwa aasiya oo 4 ah.

Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.so



Leave a comment