FIFA, WHO iyo xiriirrada kubbadda cagta dalalka dunida oo iska kaashanaya la dagaallanka Covid-19

Wednesday March 25, 2020 - 17:31:47
1 Comments
1609
Super Admin
Ururka kubbadda cagta aduunka ee FIFA ayaa billaabay hindise wacyi-gelineed oo ka dhan ah cudurka dilaaga ah ee Covid-19, waxaana FIFA ay arrinkan ka kaashaneysaa ururka caafimaadka aduunka ee WHO iyo xiriirrada xubnaha ka ah FIFA.


FIFA ayaa adeegsaneysa 211 xiriir oo xubno ka ah si ay dalalkooda ugu baahiyaan farriimo caafimaadka oo ka kooban shan farriimood oo wax tar u leh dhimsta faafitaanka cudurkan.

FIFA ayaa farriimahan oo ay soo ansixisay WHO usoo gudbisay dalalka xubnaha ka ah si ay ugu baahiyaan barohooda internetka si bulshadu ula socoto, taasoo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro cudurka dilaaga ah ee Coronavirus.

Iyadoo laga duulayo farriimaha FIFA ayaa xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya wuxuu soo daabacay qoraallo English iyo af Soomaali ku qoran oo ah fariimihii ay islasoo wada meel dhigeen FIFA iyo WHO, waxaana sidoo kale xiriirku uu la wadaagay warbaahinta gudaha oo iyaga qudhoodu door muuqda ka qaadanaya wacyi gelinta bulshada ee ku aadan cudurkan halista ah.



16-kii bishan March ayaa madaxweynaha FIFA Gianni Infantino, wuxuu qoraal usoo gudbiyay dhamaan dalalka xubnaha ka ah FIFA waxaana uu dhambaalkaas ku yiri "Waxaa waajib nagu ah in aan sameyno wax kasta oop awoodeena ah oo aan ku bad baadineyno taageerayaasha, cayaartoyda, macallimiinta iyo cid kasta oo ku xiran cayaarta quruxda badan ee kubbadda cagta”.

"Midda aadka u muhiimsan ayaa ah in masuuliyiinta kubbadda cagtu ay qaadaan tallaabooyin kasta oo suuragal ah si looga hor tago in cudurkani sii baaho oo dad badan gallaafto”ayuu mar kale madaxweyne Infantino ku sheegay farriinta uu usoo gudbiyay dhamaan dalalka xubnaha ka ah FIFA.

Farrimahan oo ka kooban shan qeybood ayaa wata sawirro muujinaya qaabka ugu sahlan ee cudurkani ku faafo iyo habka ay tahay in qof kasta uu u dhaqmo si uu naftiisa iyo dadka kaleba uga bad baadiyo halista cudurkan.

 

1-Farriinta ugu horeysa ayaa waxaa lagu sheegay in cururku uu ka bilowdo gacmaha, waxaana dadka lagu baraarujiyay in ay gacmohooda si joogto ah u dhaqaan iyagoo isticmaalaya biyo saabuun ama wal-xaha kale ee aalkoladu ku jirto ee gacmaha lagu nadiifiyo.

2-Farriinta labaad ayaa lagu sheegay in muhiim ay tahay in dadku marka ay hin-dhisayaan ama qunfacayaan ay sankooda ku daboolaan qeybta hore ee xusulkooda/suxulkooda intey gacanta soo laabaan ama maro yar oo isla-markiiba la tuurayo kaddibna gacmaha isla markiiba iska dhaqaan.

3-Farriinta sadexaad ayaa dadka lagu xasuusiyay in aysan gac-mohooda ku taaban wajiga gaar ahaana indhaha, sanka iyo afka si looga hortago in fayrasku jirkooda u gudbo.

4-Fariinta afaraad waxaa dadka loogu sheegay in qof kasta uu ugu yaraan hal mitir u jirsado qofka ugu dhaw, taas oo la aamisan yahay in aysan suuragal ka dhigeyn in cudurka uu laba qof isaga gudbo hadii masaafo intaa la eg ay isu jirsadaan.

5-Fariinta shanaad ayaa ugu baaqeysa qof kasta oo xauun dareema in uusan gurigiisa kasoo bixin, isla markaana raaco talooyinka ay bixiyaan hey’adaha caafimaadka dalakooda sida wasaaradaha caafimaadka dal kasta oo shacabka la wadaata tilaamaha ugu haboon ee wax ka tari kara la dagallanka cudurkan.








FIFA, WHO iyo Xiriirka kubabda cagta Soomaaliya.

 

Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com


 


Leave a comment