Xayaatu oo tacsi u diray Soomaaliya

Monday July 29, 2013 - 03:06:17
0 Comments
21561
Super Admin
Madaxwdeynaha Ururka kubada Cagta Qaarada Afrika Ciise Xayaatu ayaa qoraal tacsi ah soo gaarsiiyay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali Saciid Guuleed Rooble si uu dhambaalkiisa tacsida ah ugu soo gudbiyo dhamaan bahweynta kubada cagta dalka Soomaaliya geeridii naxdinta lahady ee ku timid Marxuum cabdullaahi Cilmi Warsame (Witig) oo ka mid ahaa xulka qaranka Soomaaliya sanadihii lixdameeyadii ilaa iyo bartamihii todobaatameeyadii.


Alle ha u naxariistee Witig ayaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday maalintii sabtida oo ku beegneyd 27-kii Bishan July, iyadoo isla maalintaasna Muqdisho lagu aasay, waxaana buuga tacsida laga furay xarunta xiriirka ee Muqdisho.

"Waxaa ay ahayd murugo iyo naxdin weyn oo nasoo gaaray kadib markii aan ogaanay warka ku saabsan geerida ku timid cayaar yahan hore oo ka tirsanaa xulka qaranka kubada cagta Soomaaliya Cabdullaahi Cilmi Warsame oo geeriyooday 27-kii bishan July”ayuu qoraalkiisa tacsida ah ku yiri guddoomiyaha xiriirka kubada cagta qaarada Africa Ciise Xayaatu.



"Cayaaryahankan hore oo ku magac dheeraa ‘Witig’ waxaa uu ka mid ahaa cayaaryahanadii ugu waaweynaa xulka qaranka kubada cagta Soomaaliya mudo ku dhow 15 sanadood”ayuu guddoomiyaha CAF Ciise Xayaatu ku yiri dhambaalka tacsida ah ee uusoo soo gaarsiiyay guddoomiyaha xiriirka kubada Cagta dalka Soomaaliya Mudane Cali Saciid Guuleed Rooble.


"Aniga oo ku hadlaya magaca xiriirka kubada cagta CAF, kan bahweynta kubada Cagta Qaarada Afrika iyo magacaygaba waxaan jeclaan lahaa in aan dhambaal tacsi ah u diro bahda kubada cagta Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka geeriyooday Marxuum Witig”ayuu yiri guddoomiyaha Ururka kubada cagta Qaarada Afrika ee CAF ciise Xayaatu oo qoraal tacsidan xambarsan soo gaarsiiyay guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Mudane Cali Saciid Guuleed Rooble.


Dhambaalka tacida ah ee sida deg dega ah uu usoo diray guddoomiyaha CAF ayaa muujinaya sida ay bahweynta kubada cagta Afrika ula duubantahay Soomaaliya mar kasta oo dhibaato ay dhacdo.


Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment