Madaxda CECAFA iyo madaxweyne Kagame oo ka wada hadlay qabashada Supper League u gaar ah CECAFA.

Friday March 17, 2023 - 18:01:07
0 Comments
715
Super Admin
Guddoomiyaha xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya, mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa ka mid ahaa gudoomiye yaal la kulmay madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira Horumarka kubadda Cagta gobalka.

Mid ka mida qodobada ugu waaweyn ee looga dooday shirkaas ayaa waxaa uu ahaa sidii loo hir gelin lahaa tartanka Kagame Supper League oo ay ku tartami doonaan kooxo ka kala socda wadamada ku yaala bariga iyo bartamaha Africa ee ku mideysan ururka CECAFA oo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalkii aas aasay.

"Madaxweyne Kagame oo ah nin wax weyn u taray guud ahaan kubada cagta Africa gaar ahaana CECAFA ayaan ula tagnay hindise ah in la hir geliyo tartanka Kagame Supper League wuuna naga aqbalay”ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali shiine) oo ka mid ahaa madaxda lahaa hindisaha ku aadan qabashada Kagame Supper League.


"Soomaaliya fursad weyn ayay u tahay in la bilaabo tartanka Lagame Supper League oo dal kasta ay ku matali doonaan laba kooxood. Anaga danta aan leenahay waa in koxeheenu helaan tartamo badan oo caalami ah si tayadoodu sare ugusii kacdo”ayuu yiri guddoomiye Cali Cabdi Maxamed oo sheegay in qorshihiisa ay ka mid tahay in uu sare u qaado tirada kooxaha Soomaaliyeed ee ka qeyb galaya tartamada caalamiga ah.

"Hindisahan si weyn ayuu usoo dhaweeyay madaxweyne Kagame. Ururka CECAFA ee aan xubinta ka nahay ayaa soo diyaarin doona qaabka uu noqonaayo tartankan iyo xilliyada uu dhacayo kadibna waxaa lagu war celin doonaa madaxweyne Kagame waxaana rajeyneynaa in si dhaqso ah tartankaasi u taaba galo”ayuu mar kale yiri guddoomiyaha xiriirka kubadda Cagta dalka Soomaaliya mudane Cali Cabdi Maxamed.

Waaxda warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta.

Email: Media@somsoccer.so

Leave a comment