Madaxweynaha FIFA oo usoo hambalyeeyay madaxweynaha kubada cagta Soomaaliya

Saturday November 17, 2018 - 19:29:43
0 Comments
2268
Super Admin
Madaxweynaha xiriirka kubbadda Cagta aduunka ee FIFA Gianni Infantino ayaa dhambaal hambalyo ah usoo diray madaxweynaha kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab oo todobaadkan mar kale dib loo doortay muddo afar sanadood oo kale ah in uu sii hogaamiyo kubbada Cagta Soomaaliya.


"Mudane madaxweyne ii ogolaaw in aan kuusoo diryo hambalyo diirran oo ku aadan dib u doorashada laguu doortay in aad madaxweyne kasii ahaato xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya mudada 2018-2022”ayuu dhambaalkiisa hambalyada ah ku yiri madaxweyne Infantino.


"Fadlan sidoo kale iga gaarsii hambalyo saaxiibada kale ee guddiga fulinta loo doortay. Waxaan adiga iyo xubnaha lagula doortay idin rajeynayaa nasiib wacan iyo in aad ku guuleysataan howlaha idin horyaala. Waxaan ka dhur sugayaa wada shaqeyntiina iyo in aan dhawaan kula kulmo si aan shaqsiyan mar kale kuugu hambalyeeyo”ayuu madaxweynaha FIFA ku sheegay dhambaalka hambalyada ah ee uu soo gaarsiiyay madaxweynaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya.



Riix linkiga hoose si aad u aqrisato warqadda hambalyada ee ka timid guddoomioyaha FIFA

Email:info@somsoccer.com

Leave a comment