Guddoomiyaha Xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya oo ka mid noqday guddiga fulinta CAF

Tuesday March 30, 2021 - 16:46:54
1 Comments
2495
Super Admin
Guddoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya, Cabdiqani Saciid Carab, ayaa maanta mar kale loo magacaabay xubin guddiga fulinta xiriirka kubbadda Cagta qaarada Africa ee CAF.


Guddoomiyaha CAF Dr Patrice Motsepe ayaa guddiga fulinta CAF usoo jeediyay magacaabista Mr Carab, iyadoo xubnaha guddiga fulinta CAF ay dhamaantood isku raaceen in Cabdiqani Saciid Carab uu noqdo xubin guddiga fulinta, shir maanta ka qabsoomay aalada Zoom-ka, kaasoo ahaa shirkii 2-aad ee guddiga fulinta CAF tan iyo markii Dr Motsepe loo doortay guddoomiyaha CAF 12-kii bishan March.

Guddoomiye Cabdiqani oo horay xubin uga ahaa gudiga fulinta CAF ayaa guddoomiye Dr Motsepe uga mahad celiyay magacaabistan. "Magacaabisteyda guddiga fulinta CAF waxay macno weyn u sameyneysaa gobalka CECAFA, dalkeyga Soomaaliya iyo aniga. Waxaan ballan qaadayaa in aan si dhaw ula shaqeyn doono guddoomiye Motsepe iyo guud ahaan CAF”ayuu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab, isagoo u mahad celiyay Dr Motsepe.



Dhinaca kale xiriirka kubbadda cagat Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweeyay tallaabdan waxaana xiriirku uu ugu hambalyeeyay Mr Carab guushan uu dalka usoo hooyay.

"Magacaabista guddoomiyeheena loo magacaabay guddiga fulinta CAF waxay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday u tahay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaana bahweynta kubbadda cagta. Waxaan guddoomiyaha CAF iyo xubnihiisa uga mahad celineynaa magacaabistan”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab oo si fir-fircoon ugu lug lahaa horumarinta kubada cagta Soomaaliya 30-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa guddoomiye ka ahaa xiriirka kubbadda cagta tan iyo 2014-kii, wuxuuna ku guuleystay in uu sare u qaado horumarka kubabadda cagta dalka iyadoo intii uu talada hayay ay Soomaaliya markii ugu horeysay soo gaartay finalka cayaaraha bariga iyo bartamaha Afrika sidoo kalana Soomaaliya ay badisay cayaarteedii ugu horeysay ee ka tirsan koobka aduunka.


Dr Patrice Motsepe (L) and Exco member and Somali FA president Abdiqani Said Arab



Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.so



Leave a comment