Xulka U-17 oo maray baaritaanka MRI si da'dooda loo hubiyo

Friday April 14, 2023 - 16:26:47
5 Comments
1752
Super Admin
Cayaartoyda qaranka ee da'doodu ka yartahay 17-ka sano oo xalay gaaray dalka Itoobiya ayaa maanta la marsiiyay SCAN-ka MRI ee lagu xaqiijinayo in ay yihiin da'da saxda ah ee tartanka ka qeyb geli karta ka hor inta aanay usii gudbin dalka Algeria halkaas oo mar labaad baaritaan kama dambeys ah ay ku mari doonaan.


Natijada baaritaanka ayaa la rajeynayaa in ay soo baxdo barrito insha Allah, waxaana natiijadaasi ay go’aamin doontaa tirada kama dambeysta ah ee usii gudbi doona dalka Algeria si ay dalka Soomaaliya ugu matalaan tartankan heerka qaaradeed ah insha Allah.

Soomaaliya ayaa cayaarta ugu horeysa ee Africa U-17 Cup of Nations waxaa ay la cayaari doontaa dalka martida loo yahay ee Algeria 29-ka bishan insha Allah.









Somali Football Federation Media Department

Email:media@somsoccer.so



Leave a comment