Shirka gudiga fulinta Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo maanta qabsoomay.

Monday March 27, 2023 - 23:20:56
0 Comments
676
Super Admin
Guddiga Fulinta xiriirka kubbadda cagta dalka ayaa maanta yeeshay shirkiisii ugu horeeyay tan iyo markii la doortay gudiga fulinta cusub bishii lasoo dhaafay.


Gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa sida dastuuriga ah shir gudoomiyay shirkii maanta iyadoo Shirka ay soo xaadireen   dhamaan xubnaha gudiga Fulinta iyo Xoghayaha Guud.

Shirka ayaa looga hadlay Agendayaal fara badan oo xooga lagu saaray arimaha soo socdo:

1. Sameynta Jadwal ciyaareedka horyaalada Dalka oo kala ahaa

– horyaalka Somali Premier League

– Horyaalka Heerka 2aad ee Soomaaliya

– koobka General Da’ud Cup

– Tartanka ciyaaraha Maamul Goboleedyadda 

2. Ciyaaraha Xulka qaran ka ee sanadaha 2023-2024

– AFCON Q 2025 Guinea 

– World Cup  2026 isreeb reebkisa oo la ciyaari doono 2024

– FIFA Arab Cup oo la ciyaari doono Sanadkaan 2023 TBC ( wali lama soo saarin jadwalkisa saxda ah)

– FIFA International Window ciyaaraha saaxibtinimadsa sanadkaan inta ka dhiman 2023

3. Kooxda Xulka Qaran ka U17

Waxa iyadana la go’amiyau in Xulka Qaranka U17 ka lagu xareeyo labadda waddan ee kala ah mid Tunisia/Algeria si eey u helaan lana qabsaddaan Cimiladda heerla Sare ee Waddanka Algeria xagga diyaargarowga Ciyaartoyda.

Si la mid ah in la hubiyo dhamaan Ciyaartoyda lana marsiiyo tijaabadda MRI ka sii loo hubiyo da’dooda.

In horyaalka Somali Premier league uu la bilaabo waqti ugu dhaw sanadkaan bilowga isbuuca 1aad ee Bisha June 2023.

In loo yeero Macalimiinti hogaamineyasay Xulka qaran Cayaarihii CHAN Q 2023 ee ka soo jeeda waddan ka Morocco, iyadoo si rasmi loo soo saari doono warka ku saabsan Macalimiinta oo faahfaahsan.

Shirka oo ah ahaa shirki 1aad ee Gudiga Fulinta xilli shireedka Gudiga Fulinta ee SFF oo ah sanadki 4 jeer oo noqoneysa (Quarter meeting).

Shirka ayaana ku soo dhamaaday si wanaagsan iyadoo si dastuurka waafaqsan looga dooday Dhamaan qodobadii Shirka.

Waaxda warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta.
Email: Media@somsoccer.so


Leave a comment