Xulka Gobalka Bari oo galabta ku dur duriyay dhigooda gobalka Sool

Friday November 21, 2008 - 18:38:34
1 Comments
16020
Shaafici Muxyidiin
Galabta ayaa garoonka Mire Awaare ee magaalada garowe waa ka dhacaday cayaar ka mida is reeb reebka cayaaraha 18-aad ee kubada cagta gobalada dalka Soomaaliya cayaartaas oo ay isku haleeleen xulalka Gobalada bari iyo Sool ee maamul gobaleedka Puntland.

Cayaarta oo dhesx martay labo ka mida gobalada aadka u kul kulul ayaa ahayd mid aad loo sugayay waxaana daawashadeeda kasoo qeyb galay kumanaan dad weyne ah oo cayaarta kubada cagta xiiseeya.

 

Qeybtii hore ee cayaarta ayaa labada xul ay isla dhaafi waayeen bar bar dhac hal iyo hal ah,hase ahaatee qeybtii dambe ee cayaarta ayaa xulka gobalka Bari ay heleen goolkii 2-aad xili ay cayaarta 15 daqiiqadood ka dhimanayd waxaana ay sidaas guushu ku raacday xulka gobalka Bari oo 2-1 ugu awood sheegtay xilka gobalka Sool.

 

Cayaarta waxaa garsoorayay  garsoorayaasha caalamiga ah ee kala ah BASHIIR COLAAD CARAB,CABDI CADULE AXMED BAASAALE IYO QAASIM,halka garsooraha keydkana uu ahaa garsoore ka yimid gobalka Bari.

 

Cayaarta waxa xeer ilaaliye ka ahaa Khabiirka kubada cagta Soomaaliyeed horayna garsoore caalami ah usoo noqday XASAN MAXAMED MAXAMUD Xasan farey.

 

Xulka ku labisan dharka madowga iyo cadka ka kooban waa xulka gobalka Bari halka xulka gobalka Soolna ay ku labisanyihiin dharka jaalaha ah.

 

Cayaarta daawashadeeda waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka kala socotay maamulka Puntland iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

Hirgelinta cayaaraha 18-aad ee kubada cagta gobalada dalka Soomaaliya waxaa gacan hagar la’aaneed ka geysaneysa shirkadda isgaarsiinta caalamiga ah ee Nationlink Telecom Somalia.

 

 

Somali football press department

 

Contact:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment