FIFA oo xafiiska horumarinta bariga Afrika ka furatay Kigali

Friday February 19, 2021 - 15:59:23
2 Comments
1304
Super Admin
Guddoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta aduunka ee FIFA, Gianni Infantino, ayaa maanta magaalada Kigali ee dalka Rwanda ka furay xafiis u gaar ah horumarinta kubbadda Cagta dalalka gobalka.


Guddoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya, Cabdiqani Saciid Carab, ayaa ka mid ahaa guddoomiye-yaal dhowr ah oo lagu marti qaaday munaasabadda furitaanka xafiiska cusub.

Xafiiskan ayaa furitankiisu yimid kaddib markii FIFA iyo dalka martida loo yahay ee Rwanda ay ku heshiiyeen in xafiiskan oo horay u daganaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya loosoo wareejiyo dalka Rwanda.

Guddoomiyaha FIFA, Gianni Infantinio, oo munaasabaddii furitaanka xafiiskan ka hadlay maanta ayaa sheegay in FIFA ay diiradda saareyso wax kasta oo karrankeeda ah oo ay ku horumarineyso kubbadda cagta, isagoo intaa raaciyay in xafiiskani uu noqon doono barta laga hoggaamiyo howlaha horumarinmta kubabdda cagta ee gobalkan.








Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.so



Leave a comment