Guddoomiye ku xigenka XKCS oo kulan la qaatay dhigiisa dalka turkiga.

Tuesday February 02, 2021 - 22:44:21
0 Comments
891
Super Admin
Gudoomiye Ku xigeenka kowaad ee xiriirka kubadda cagta soomaaliya Cali Cabdi Maxamed ayaa xarunta xiriirka kubadda cagta Turkiga kulan kula qaatay guddoomiye xiriirka kubadda cagta turkiga Servet Yardimci iyagoo ka wada hadlay si iskaashi u yeelan lahayeen labadda xiriir, Waxaana lagu heshiiyey in lawada saxiixdo heshiis is afgarad ah.


Kulankan maanta dhaxmaray labada gudoomiye ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubin gudiga fulinta ahna guddoomiyaha suuqgenyta xiriirka Cabdi Cusmaan Daamey. Kulanka kadib waxaa lagu wada heshiiyay kulan kale oo balaaran la iskugu imaado si ugu dhaqso badan. Gudoomiye Ku xigeenka kowaad ee XKCS ayaa u Mahad celiyey walalaha Turkiga sida wanaagsan oo ay ugu soo dhaweyeen xaruntooda.


 

Waaxda warfaafinta xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya

Email:info@somsoccer.so



Leave a comment