Farayare oo ku dhawaaqay liiska xulka qaranka

Saturday November 02, 2013 - 23:58:15
1 Comments
4037
Super Admin
Macalinka 1-aad ee xulka Qaranka Soomaaliya Macalin Maxamed Cabdulle Farayare ayaa maanta shaaca ka qaaday liiska kama dambeysta ah ee xulka qaranka Soomaaliya oo ka qeyb geli doona tartanka qaramada bariga iyo bartamaha Afrika oo ka dhici doona dalka Kenya inta u dhexeysa 27-ka November ilaa iyo 12-ka December ee sanadkan.


Qoraal rasmi ah oo uu maanta soo saaray macalin Maxamed Cabdulle Farayare ayuu ku soo bandhigay magacyada 29 cayaaryahan oo ku jira liiska kama dambeysta ah ee uu usoo xushay in ay Soomaaliya ku matalaan tartanka CECAFA Senior challenge cup, kuwaas oo in muddo ah tababar qaadanayay siina wadi doona tababarka tan iyo inta ay cayaarahaas qaramada ka aadayaan.

"Kani waa liiska kama dambeysta ah ee cayaartoyda Soomaaliya ku matali doonta tartanka qaramada bariga iyo bartamaha Afrika----29-kan cayaryahan ayaa nasiib u yeeshay in ay qaranka matalaan sanadkan”ayuu qoraalkiisa ku sheegay macalinka 1-aad ee qaranka Soomaaliya Macalin maxamed Cabdulle Farayare.



Macalinka qaranka Soomaaliya ee loo yaqaanoOcean starsMaxamed Cabdulle Farayare ayaa waxaa macalin ku xigeen u ahaan doona Macalin Maxamed Cabdullaahi Abuukar (Taako). Labadan macalin ayaa ahaa macalimiintii hogaaminayay xulka qaranka ee U-17-ka sanadkii hore.


Macalin farayare ayaa ka mida macaliminta ugu badan ee hogaamiyay xulka qaranka waxaana uu ka mid yahay khubarada dhinaca tababarenimada ee ku jira liiska (CAF national course directors).


Magacyada liiska xulka Qaranka Soomaaliya ee uu Macalin Farayare maanta ku dhawaaqay hoos ka aqriso.



NB: SAWIRKANI WAA XULKA QARANKA U-17, WAXAANA QAADAY SAXAFI SUDANI AH BADRIU ELDIN  19-KII SEPTEMBER 2012

 

No

Names

 

01

 

Jibril Hassan Mohamed

 

02

 

Saa’id Salah Hussein

 

03

 

Deeq Abdullahi Nur

 

04

 

Ahmed Abdullahi Moallim

 

05

 

Ahmed Abdulkadir Dayib

 

06

 

Muhsin Sharif Abdalla

 

07

 

Hassan Ali Roble

 

08

 

Hassan Hussein Ibrahim

 

09

 

Baasi Mohamud Bana

 

10

 

Adil Nur Ali

 

11

 

Mahmoud Abdi Nur

 

12

 

Daud Abdullahi Hassan

 

13

 

Adan Hussein Ibrahim

 

14

 

Mohamed Hassan Ali

 

15

 

Ahmed Osman Abdulle

 

16

 

Mahad Mohamed Haji

 

17

 

Said Mohamed Sheekh

 

18

 

Hassan Sidow Hilowle

 

19

 

Hamsa Mohamed Muqtar

 

20

 

Bile Mohiyadin Burale

 

21

 

Dadir Amin Ali

 

22

 

Shafi’i Abdi Farah

 

23

 

Mohamed Tahlil Shidane

 

24

 

Abdishakur Mahmoud Mohamed

 

25

 

Mohamed Nur Abdi

 

26

 

Yasin Ali Egal

 

27

 

Mohamed Abdi Hayow

 

28

 

Sidi Mohamed Omar

 

29

 

Ahmed Tahlil Ali

 

 


Somali Football Federation Media Department

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment