Loogada saxda ah ee loo adegsan karo xulka qaranka Soomaaliya.

Wednesday November 21, 2018 - 14:22:47
0 Comments
2333
Super Admin
Maalmahan waxaan aragnay dad badan oo qolyaha saxaafaddu ay ku jiraan oo marka ay ka hadlayaan xulka qaranka soomaaliya adeegsanaya loogooyin hore loo isticmaali jiray oo ay ku jirto mid ku qoran afka Talyaaniga.


Hadaba si dadku ay u ogaadaan loogada saxda ah ee loo isticmaali karo wararka ku saabsan xulka qaranka iyo xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa waaxda warfaafinta xiririku wuxay go’aansatay in ay mar kale ummadda soomaaliyeed la wadaagto loogada saxda ah oo aan horay u shaacinay.


"Way jiraan dad adeegsada loogada saxda ah, hase ahaatee waxaan maalmahan aragnay dad farabadan oo isticmaalaya loogooyin hore loo isticmaali jiray laakin la badalay sida mid aan websiteyada qaar ku aragnay oo ah mid ku qoran af talyaani lana isticmaali jiray xilli aad u fog ka hor, sdiaa daraadeed waxaan ummadda Soomaaliyeed mar kale la wadaageynaa loogadan cusub oo muddo sanad ah shaqeyneysa”ayaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay waaxda warfaafinta warfaafinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.



Waaxda warfaafinta xiririka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment