Afar guddoomiye naadi oo jabuuti u jooga dhiiri-gelinta xulka qaranka

Thursday September 05, 2019 - 15:30:17
1 Comments
2390
Super Admin
Guddoomiye-yaasha 4 ka mida naadiyada kubbadda cagta dalka Soomaaliya ayaa ku sugan dalka Jabuuti halkaas oo Soomaaliya ay lugta hore ee is reeb-reebka koobka aduunka ee 2022 kula cayaareyso dalka Zimbabwe.


Tani waxay noqoneysaa markii ugu horeysay taariikhda oo afar gudoomiye ay u safraan dalka dibadiisa si ay xulka qaranka u dhiiri-geliyaan. Masuuliyiintan ayaa kala ah: Guddoomiyaha naadiga Rajo Cabdulaahi Cilmi Maxamuud, guddoomiyaha naadiga Elman Cabdirisaaq Faarx Cumar (Goroje), guddoomiyaha naadiga Hillaac Cali Xasan Cuamr iyo guddoomiyaha naadiga Muqdisho Abuukar Maxamed.

Waxaa xusid mudan in guddoomiyaha naadiga Elman Cabdirisaaq Faarx Cumar (Goroje), oo wiilkiisa Yoonis uu ka mid yahay xulka qaranka hadana uu safarkiisa Jabuuti ku wehlinayo wiilkiisa weyn Yuusuf, taas oo ka dhigan in qoys dhan ay usoo safreen ka qeyb qaadashada waajibaadka qaranka.



"Waxaan go’aansannay in aan imaano Jabuuti si aan taageero, dhiiri-gelin iyo rajo ula garab istaagno calan-sideyaasheena oo wajahi doona Zimbabwe caawa fiidkii” sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha naadiga Rajo Cabdulaahi Cilmi Maxamuud. Soomaaliya ayaa Zimbabwe ku marti gelineysa Jabuuti oo ah guriga labaad ee Soomaaliya, maadaama dalku aanu xilligan u diyaarsanayn in uu marti geliyo cayaaro caalami ah. Lugta 2-aad ee is reeb reebka koobka aduunka ee 2022 ayaa ka dhici doonta magaalada Harare halkaas oo Zimbabwe ay ku marti gelin doonto Soomaliya 8-da September.

Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment