Taliyaha xoogga dalka oo furay Koobka General Daa'uud

Friday September 21, 2018 - 19:43:50
0 Comments
1480
Super Admin
Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa furay tartanka sanadlaha ah ee koobka General Daa'uud.


Naadiga ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Horseed ayaa cayaartii furitaanka oo ka dhacday garoonka Banaadir 2-1 kaga adkaatay naadiga dhiggeeda ah ee Jeenyo, halka cayaartii labaad oo ka dhacday garoonka xarunta farsamada ee xiriirka ay kusoo dhamaatay 7-2 oo ay guushu ku raacday naadiga Saxafi oo ka adkaaday dhiggooda Jamhuuriya.


Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab oo munaasabada furitaanka tartanka hadal ka jeediyay ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uga mahad celiyay maalgelinta tartankan qiimaha weyn u leh umadda Soomaaliyeed.



"Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta wuxuu qabashada tartanka General Daa’uud soo bilaabay 1972-kii waligiisna nagama baaqan oo sanad kasta waa la qabtaa xataa muddadii uu dalku dhibaatada adag ku jiray”ayuu yiri guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab.


"Waxaan rabaa in aan amaan balaaran usoo jeediyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi sida ay uga go’antahay in uu kaalin weyn ka qaato horumarinta kubadda cagta dalka Soomaaliya”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay guddoomiye Cabdiqani ka hor intii aanu cod baahiyaha kusoo dhaweyn taliyaha xoogga dalka.


Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu arko horumarka ay sameyneyso kubadda cagta Soomaaliya, siagoo intaa ku daray in uu la socodo horumarka baaxada leh ee kubadda cagta dalku ay sanad kasta ku tallaabsanayso.


"General Daa’uud wuxuu ahaa aabaha aas aasay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, mar kasta waan xasuusanaynaa waxaana ballan qaadayaa in ciidanka xooggu uu sii wadayo maalgelinta tartanka Geenral Daa’uud”ayuu yiri taliyaha xoogga dalka Soomaalaiyeed Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi.


"Waxaan si gaar ah ammaan ugu jeedinayaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta Cabdiqani Saciid Carab, oo ay si weyn uga go’an tahay aana hubo in uu horumar ku hoggaamiyay kubbadba cagta dalka”ayuu mar kale yiri taliyaha xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ka hor intii aan lagu casuumin in uu laado kubadga ugu horeysa kuna dhawaaqo furitaanka tartanka.


Somali Football federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment