Wasaaradda Cayaaraha dalka oo shaacisay qorshaha loogu talagalay Koox mataleysa Qurba Joogta

Monday October 15, 2018 - 00:02:34
0 Comments
1463
Super Admin
Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha dalka Soomaaliya iyo xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa si wada jir ah u shaaciyay qorshaha loogu talagalay Kooxda kubbadda cagta ee ururka dhaqanka iyo Isboortiga ee qurba joogta Soomaalida (Somali Diaspora cultural and sports Association) oo todobaadkan soo gaari doonta Magaalada Muqdisho.


"Wafdiga kooxda SDCSA wuxuu magaalada Muqdisho kusoo wajahan yahay Arbacada inasoo aadan oo ku beegan 17-ka bisha October, waxayna dalka joogi doonaan ilaa iyo 30-ka bisha, waxaana mudadaas loo qorsheeyay in ay cayaaro kala duwan la yeeshaan kooxo ka dhisan horyaalka ugu sarreeya dalka Soomaaliya”sidaasi waxaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay Shaafici Islaw oo u hadlay xiriirka kubada Cagta Soomaaliya.



Warka kasoo baxay wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga dalka iyo xiriirka kubbadda cagta Soomaaliyeed waxaa lagu sheegay in kooxda jaaliyadda Soomaalida ay cayaaro la yeelan doonto naadiyada kala ah Elman FC, Heegan SC, Dekedda SC iyo naadiga ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Horseed SC.


"Maalinta Arbacada ah waxaa loo qorsheeyay soo dhaweynta iyo dajinta wafdiga, khamiista kooxdu waxay tababarkeeda ugu horeeya ku sameyn doontaa garoonka xarunta farsamada xiriirka kubbada Cagta Soomaaliyeed, halka cayaarta ugu horeysa ay la yeelan doonto naadiga Elman FC, maalinta Jimcaha waxaana cayaartaasi ay ka dhici doontaa garoonka kubbadda Cagta Stadium Banaadir 3-da iyo brka galabnimo” sidaas ayaa lagu sheegay qoraalkan sida wada jirka ah ay usoo saareen wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha dalka iyo xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliyeed ayna shaacisay waaxda warfaafinta xiriirka kubbadda cagta.


Sida qoraalka lagu sheegay waxaa wafdiga kooxda qurba joogta Soomaalida inta ay dalka joogaan loo sameyn doonaa ilaa sadex marti qaad oo kala duwan kuwaas oo ka kala dhici doonaa goobo kala duwan oo ku yaala magaalada Muqdsiho.

Jadwal_maalmeedka_kooxda_mudada_ay_joogto.pdf


Waaxda warfaafinta xiriirka kubbada Cagta Soomaaliya

Email:info@somsoccer.com

 



Leave a comment