Garsoorayaasha Kubbadda cagta Soomaaliya oo tababar loo furay.

Saturday September 07, 2019 - 13:32:47
0 Comments
1852
Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa maanta tababarka FIFA MA u furay garsoorayaasha kubbadda cagta Soomaaliya, waxaana tababarkaasi maal gelineysa hey'adda FIFA.


Tababarkan oo socon doona ilaa iyo 11-ka bishan ayaa waxaa ka qeyb galaya 30 garsoore oo isugu jira heer qaran iyo heer caalami, waxaana macalimiin ka ah Maxamed Xuseen Cali oo u dhashay dalka Jabuuti iyo Cali Maxamed Axmed oo u dhashay dalka Soomaaliya kana wada tirsan macalimiinta heer caalami ee FIFA.

Macallin Maxamed Xuseen Cali oo ku hadlayay magaca FIFA iyo CAF ayaa hadal ka jediyay furitaankii tababarka wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay habka xiriirku usoo abaabulay munaasabada furitaanka tababarkan. Macalinka ayaa ku amaanay xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya soo saarista garsoorayaal tayo wanaagsan oo si weyn uga dhex muuqda cayaaraha caalamiga ah.



"Garsoorayaasha Soomaaliya waa kuwo aad u fir-fircoon, waxaana ku faraxsanahay in ay si fiican u maamuleen cayaaro badan oo ay qabteen oo isugu jira kuwo heer gobal, heer qaaradeed iyo heer caalami intaba”ayuu macallinku ka sheegay munaasabada furitaanka tababarka.

"Inta aanan hadalkeyga soo gaba-gabeyn waxaan fursaddan uga faa’iideysanayaa in aan hambalyo udiro guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya cabdiqani Saciid Carab oo xubin ka noqday guddiga fulinta CAF iyo guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Jabuuti Suleymaan Xasan Waaberi oo mar kale loo doortay inuu guddomiye kasii ahaado guddiga garsoorka ee CAF. Taasi waa guul weyn oo usoo hoyatay labadan dal ee walaalaha ah”ayuu mar kale yiri macallinku.

"Waxay ii tahay markii labaad ee aan shaqo FIFA leedahay u imaado dalka Soomaaliya waxaana ku rajo weynahay inaan marar kale soo laaban doono”ayuu hdalkiisa kusoo gaba-gabeeyay macallin Maxamed Xuseen Cali. Macallimiinta FIFA ee tababarka bixinaya ayaa waxaa caawinaya macallimiinta gudaha ee kala ah Cabdi Cabdulle Axmed (Baasaale) iyo Aweys Nuur Axmwed.




Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment