Wareega labaad ee is reeb reebka cayaaraha gobalada dalka oo shalay ka furmay magaalada Garowe.

Friday November 21, 2008 - 08:44:34
1 Comments
2447
Shaafici Muxyidiin
Shalay gellinkii dambe ayaa garoonka Mire Awaare ee magaalada Garowe waxaa ka furmay wareega labaad ee is reeb reebka cayaaraha kubda cagta 18-aad ee gobalada dalka Soomaaliya waxaana madaxweyne Ku xigeenka maamulka Puntland Xasan Daahir Afqurac lagu sharfay in uu cayaarta furo,iyadoo xiligaana ay is bar bar taagnaayeen xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab sida sawirkaba ka muuqata.

Madaxweyen ku xigeenka oo munasabadii furitaanka ka hadlayay ayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ku amaanay howsha baaxada leh ee uu u hayo qaranka Soomaaliyeed gaar ahaana dadaalka la doonayo in nabad iyo is dhex gal looga hirgeliyo dalka Soomaaliya iyadoo loo marayo cayaaraha kubada cagta,iaydoo madaxweyne ku xigeenkuna uu laaday kubadii ugu horeysay sida sawirka ka muuqata.

 

“Tarmamada noocan oo kale ahi waxaa ay wax weyn ka tarayaan nabadeynta dalka gaar ahaana gobalkan aanu joogno sidaa daraadeed waxaan xiriirka kubada cagta Soomaaliya ka codsanayaa in tartamadan oo kale uu joogteeyo”ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntlkand xasan daahir Afurac.     Intaa kadib ayaa madaxweyne ku xigeenku waxaa uu mid mid u gcan qaaday cayaartoyda labada gobal iyadoo kadibna ay cayaartu bilaabatay.

Waxaa sidoo kale munaasabadaas hadal ka jeediyay xoghayaha guud ee xariirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo sheegay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ay ka go’antahay shacabka Soomaaliyeed ee kala irdhooobay in uu cayaaraha isugu keeno si la mida sidii la sameeyay horaantii 90-meeyadii oo magaalada Mudishoo kala xirnayd cayaaro kubada cagta ah lagu mideeyay.

Cayaartii shalay ayaa waxaa ay ahayd mid aad u adag waxaana ay dhex martay xulalka gobalada Nugaal iyo Sanaag,waxaana xulka gobalka Nugaal uu dhigiisa Sanaag dhabarka dhulka ugu dhigay 8-2.

Kooxda dharka Jaalaha ah ku labisan waa xulka gobalka Nugaal halka kuwa buluuga sitana ay ku tartamayaan magaca xulka gobalka Sanaad.

 

 

Somali football press department

 

Contact:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment