Suuqa kala iibsiga xilliga dhexe oo xirmaya 10-ka Febraayo

Tuesday January 21, 2014 - 20:11:59
0 Comments
2765
Super Admin
Iyadoo lugta hore ee horyaalka kubada cagta Soomaaliya ee Nation Link Telecom Championship lagu wado inay soo gabagabgowdo 4-ta bisha Febraayo ee sanadkan, qorshaha xiriirkuna uu yahay in si dhaqso ah lugta labaad u bilaabato ugu badbaan todobaad kaddib ayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu sheegay in suuqqa kala iibsiga xiliga dhexe oo hada furan uu soo xirmi doono 10-ka bisha Febraayo ee inasoo aadan.


Mudadaas ka hor ayaa la doonayaa in naadiyada horyaalka ka qeyb galayaahi ay kusoo dhameystaan howlaha la wareegidda cayaartoyda.


"Suuqa lasoo wareegida cayaartoyda ee xiliga dhexe waxaa uu soo xirmi doonaa 10-kabisha Febraayo 2014-ka, waxaana waqtigaas ka hor ay naadiyadu la soo wareegi karaan cayaartoyda ay isleeyihiin muhiim ayay idin yihiin, amaah ama la wareegid buuxda intaba waa kulasoo wareegi karaan, sidaa daraadeed waxaan naadiyada ku adkeyneynaa inay howlohooda soo dhameystirtaan ka hor dhamaadka mudada loo cayimay”ayuu qoraal uu naadiyada u kala diray ku yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Sacidi Carab.



"Waxay ila tahay in naadiyadu ay heystaan muddo ku filan oo ay howlohooda kusoo dhameysan karaan, maadaama suuqu furnaa lagasoo bilaabo 21-kii Janaayo uuna xirmayo 10-ka febraayo horayna naadiyada loogu wargeliyay”ayuu qoraalkiisa ku sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdi Qani Saciid Carab.

Waxaa uu xoghayaha guud sheegay in waqti kale oo lasii sugayaahi aanu jirin maadaama xiriirka qorshihiisa ay ka mid tahay in lugta labaad ee horyaala la guda galo ugu badbaan hal todobaad kaddib marka lugta hore ay soo dhamaato howlo farabadan oo na horyaala awgood, sidaa daraadeedna naadiyada ka qeyb-galaya horyaalka lagu adkeeyay inay waqtigaas dhowraan wixii u dhiman oo cayaartoy ahna lasoo wareegaan.

Lasoo wareegtiaanka cayaartoyda ayaa lagu adkeeyay naadiyada inay u maraan qodobada 1 (A) iyo 10 (3 & 4) ee xeerka u degsan tartanka Nation Link Telecom championship ee dalka Soomaaliya.

Somali Football Federation Media department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment