Soomaaliya oo kor u kacday kala horeynta FIFA

Thursday September 06, 2012 - 01:22:34
0 Comments
2556
Shaafici Muxyidiin
Soomaaliya oo ah dal ay bur biriyeen dagaalo sokeeye oo ku yaala geeska Africa ayaa sare u kacday kala horeynta dalalka ku jira xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA.


Sida ku cad  jadwalkii ugu dambeeyay ee kala horeynta FIFA oo soo baxay bishan September waxaa Soomaaliya ay horay usoo kacday 3 darajo iyadoo timid 187 marka loo eego kala horeyntii lasoo saaray bishi hore oo Soomaaliya ay kaga jirtay 190.

Marka loo fiiriyo kala horeyntan ugu dambeysay ee lasoo saaray waxaa ay Soomaaliya ka horeysaa 21 dal oo ay ka jriaan dowlado halka Soomaaliyana ay 22-kii sano ee lasoo dhaafay ku dhex jirtay mid ka mida dagaaladii ugu xumaa ee dunida soo mara.

“Dad badan oo jecel kubada cagta oo soomaaliyeed kuna kala sugan caalamka daafihiisa ayaa noosoo diray dhambaalo hambalyo ah oo ku aadan kaalinta ay Soomaaliya maanta kaga jirto kala horeynta FIFA ee bishan”ayuu yiri madaxa waxbarashada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali maxamed Axmed oo war saxaafadeed soo saaray.

“Muddo ka yar 20 maalmood gudohood waxaa soomaaliya xulkeeda 17 jirada ka yar kusoo fool leh ciyaar ay la yeelanayaan dhigooda Sudan oo ka mida is reeb reebka cayaaraha dhalinyarada Africa, bisha November ee isla sanadkana waxaa ay Soomaaliya ka qeyb galeysaa tartanka xulalka bariga iyo bartamaha Africa marka tartatamadaas kaddib waxaan rajeyneynaa in mar kale aan horay usii kacno oo ka faa’iideysano tartamadaas”ayuu yiri madaxa wax barashada SFF Cali maxamed Axmed.

Booqo linkiga hoose ee FIFA si aad u hesho liiska kala horeynta

http://www.fifa.com/associations/association=som/ranking/gender=m/index.html

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

 



Leave a comment