Bariga Dhexe iyo Muqdisho United oo maanta balansan

Tuesday April 23, 2013 - 14:30:26
0 Comments
4319
Super Admin
Iyadoo horyaalada heerarka 2-aad iyo 3-aad ee dalka Soomaaliya ay si xiiso leh uga soconayaan garoonka Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa galabta balansan naadiyada kala ah Bariga Dhexe iyo Muqdisho United oo ka wada tirsan naadiyada heerka 3-aad.


Labadan naadi ayaa lagu tilmaamaa in ay ka mid yihiin naadiyada ugu tunka weyn horyaalka heerka sadexaad waxaana ay muddooyinkii ugu dambeeyay wadeen diyaar garow xoogan iyo soo urursiga ciyaartoy ay isleeyihiin horyaalka natiijo wanagasan waad kaga gaari doontaan.

Dhanka kale shalay ayaa Naadiyada Saxafi FC iyo AMB express ay isku haleeleen cayaar ka mid ah horyaalka heerka 2-aad taasoo qeybteedii hore ay labada naadi isla dhaafi waayeen bar bar dhac hal iyo hal ah laakin daqiiqadii 46-aad ee qeybta dambe ee cayaarta ayaa Bile Muxudiin Buraale uu kooxdiisa u saxiixay goolka guusha waxaana ay cayaartu ku dhamaatay 1-0.



Cayaartii shalay waxaa lagu bixiyay ganaaxyadii ugu badnaa tan iyo intii tartanku bilaabmay waxaana kooxda AMB express oo keliya la siiyay 5 jaale sida ku cad shaxda hoose

AMB Express

Name

Number

Date

Minute

caution

Asad Abdulle Omar

23

22/04/2013

26th

Yellow Card

Abdulkader Ali Mahmoud

9

22/04/2013

46th

Yellow Card

Ismail Ahmed Ismail

27

22/04/2013

73rd

Yellow Card

Najib Ahmed sharmarke

13

22/04/2013

76th

Yellow Card

Hassan Abdullahi Ali

15

22/04/2013

82nd

Yellow Card

 

SAHAFI FC

Name

Number

Date

Minute

Yellow Card

Mohamed Hashi Siyad

9

22/04/2013


By Cumar Ibraahim C/Salaan

Somali Football Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment