Doorashada kubada cagta Jabuuti oo dheceysa 10-ka bishan

Thursday November 01, 2012 - 10:52:55
0 Comments
2090
Super Admin
Doorashada xiriirka kubada cagta ee dalka Jabuuti ayaa lagu dhawaaqay in ay dhici doonto 10-ka bishan November halkaas oo ay soo gaari doonaan saraakiil sar sare oo ka socota Ururka kubada cagta aduunka ee FIFA si ay goob joog uga ahadaan doorashada, sida uu sheegay Suleymaan Xasan Waaberi oo ah xeer ilaaliye FIFA iyo Macalinka garsoorka ee CAF una taagan jagada guddoonka sare.

Naadiyada kubada cagta dalka Jabuuti oo ah kuwa leh awooda doorashada ayaa ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada xiriirka dalka Jabuuti halkaas oo sanadihii lasoo dhaafay horumar xaga kubad cagta ha laga dareemayay. Waxaa ay ahayd bishii June ee danadkan markii naadiyada dalkaasi ay sheegeen inay shaqadii ka  hakiyeen guddoonkii hore taa badalkeedana ay guddoomiye u doorteen Mr Suleyman.

Laakin doorahadaas waxaa diiday FIFA maadaama goob joogayaal FIFA ka socday aysan meesha joogin, waxaana loo qabtay bishan tobankeeda in doorashadu dhacdo lanasoo diro saraakiil FIFA ah oo goob jog ka noqota doorashada.

Tan iyo markii shaqada laga joojiyay guddoomiyihii hore waxaa jiray habacsanaan ku timid xiriirka jabuuti oo aan lahayn maamul sare waxaana ku sime sii ah guddoomiye ku xigeenka Yaasiin Maxamed Yaciin iyo xogheynta oo shaqada sii wada wali.

"Waxaa socda diyaar garowga doorashada waxaana rajeyneynaa in habacsanaanta jirta ay halkaa kusoo dhamaato doorashada kaddib---Suleymaan ayaa hada ah murashaxa keliya ee doorashada u taagan hadii aan nahay naadiyada dalka ka jirana isaga ayaan dooran doonaaā€¯sidaasi waxaa tiri Faadumo Muuse Diiriye oo ah maamulaha naadiga Dekedaha ee dalka Jabuuti.

Faadumo waa gabadha keliya ee naadi heerka 1-aad ah macalin ka ah qaarada Afrika oo dhan waxaana kooxdeedu ay sanadkan ku guuleysatay horyaalka heerka 1-aad ee dalka Jabuuti.

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment