Liiska Garsooreyaasha cusub ee FIFA oo la shaaciyay

Saturday January 04, 2014 - 01:11:07
0 Comments
2833
Super Admin
Xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa shaaciyay Liis dheer oo ay ku tixan yihiin garsooreyaasha cusub ee loo qaatay caalami sanadka 2014-ka waxaana liiskaas ugu jira Soomaaliya rag dhalin yaro ah, iyadoona meesha laga saaray ragii hore ee odayada noqday sida liiska ku cad.


Garsooreyaashan Soomaaliyeed ayaa sanadahanba kasoo shaqeynayay horyaalka dalka, hase ahaatee waxaa sida muuqata ay ku cusubyihiin masraxa garsoorka caalamiga ah oo aanay horay ugu jirin marka laga reebo hal ruux oo horay calan wade caalami ah u ahaa laakin hada dhexda loosoo wareejiyay, kasaoo aan ka mid ahayn liiska da’ yarta ah ee aanu sheegeyno.

Wiilasha yar yar ee hada kasoo dhex muuqday liiska caalamiga ah ee FIFA soo saartay waxaa ka mid ah: Maxamed Xaaji Xasan, Maxamed Muuse Cabdullaahi, Aweys cabdullahi Sheik iyo Cali Maxamuud Mahad, waxaana magacyadoodu ay qeyb ka ahaayeen liis dheer oo FIFA soo saartay.



Howsha garsooreyaashan ee dhinaca caalamiga ah ayaa ka bilabatay sanadka cusub ee 2014-ka waxaana ay ku ekaan doontaan int a ay howlgab ka noqonayaan sida saaxiibadoodii hore oo howsha garsoorku aanay halkaa ugu dhamaan laakin cayaaraha gudaha kasii shaqeyn doona, balse masrixii caalamiga ahaa soo faarujiyay.

Liiska waxaa ka muuqanaya Bashiir Colaad Carab oo horay u ahaa calan wade caalami ah laakin hada loo badalay gasrooraha dhexda kaddib markii muddo sand ah uu banaanka ka joogay howsha garoorka caalamiga ah si loogu diyaariyo in uu noqdo garsoore dhexda ah sida sharcigu qabo.

Garsooreyaal kale oo caalami ahaa muddana soo shaqeeyay ayaa ka maqan liiskan cusub ee FIFA soo saartay, kuwaasoo dhowr arrimood awgood meesha looga saaray sida uu sheegay agaasimaha xafiiska horumarinta garsoorka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Cabdulle Axmed ( Baasaale) oo qudhiisu horay garsoore heer caalami ah u ahaa.

Garsooreyaasha caalamiga ahaa ee liiskan ka maqan ayaa waxaa ka mida Nuur Maxamed Cabdulle (Nuur Rooso), Aweys Nur (Aweys Farqajaan) Cabdiraxmaan Cabdi Cumar (Shuuriye) iyo Maxamed Xasan Fiidow.

"Garsoroeyashaas waxa aan ka sheegi karo keliya waa inay ahaayeen rag fir fircoon oo si mutadawacnimo ah dalka ugusoo shaqeeyay, intii ay heerka caalami ahaayeen fir fircooni shaqo iyo u jajabnaan howlaha garsoorka ee gudaha iyo dibada i ntaba way muujiyeen, xirirka Soomaaliyeed ee kubada cagta aad ayuu ugu amaanayaa howshaas weyn oo ay soo qabteen”ayuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay Mudane cabdi Cabdulle Axmed (Baasaale) agaasimaha xafiiska horumarinta garsoorka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Mudane Baasaale ayaa sheegay in garsooreyaaha cusub ee hada kasoo muuqday liiska caalamiga ah ee FIFA ay yihiin rag da’ ya ah xirfada garoorkana ugasoo shaqeeyay cayaaraha gudaha sadexdii xilli cayareed e u dambeeyay.

"Garsooreyashan da’da yar waxaa ay tacliin heer sare ah kusoo qaateen tababaro FIFA ugu qabatay Soomaaliya dalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti bishii April ee sanadkii 2012 iyo bishii Maarso ee sanadkii 2013, halkaasoo ay ka kasbadeen aqoon sare iyo waaya aragnimo, iyadoo macalimiintii FIFA ee tababarka siiyayna ay aad ugu qanceen kartida iyo fir fircoonidooda shaqo”ayuu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay agaasimaha xafiiska horumarinta garsoorka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane cabdi Cabdulle Axmed (Baasaale).

Bishii April 18-keedi sandkii 2012-kii ayaa khabiirkii ka socday FIFA ee tabbarka siinayay Soomaaliya Mr. Joseph Wellington waxaa uu u sheegay waaxda warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta in uu si weyn ugu qancay awooda jireed iyo adkeysiga garsooreyaashan da’da yar ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu tababarka geeyay.

"Inta badan garsooreyaasha halkan ku sugan waa rag aad u da’ yar, waxaana cod dheer ku sheegayaa in masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ay aad ugu amaan mudan yihiin in ay goobta keeneen wajiyo cusub oo da’ yar---FIFA aad ayay u xiiseyneysaa garoore-yaasha da’da yar, waxaana sanad kasta ay FIFA tababarrada horumarinta garsoorka ku bixisaa boqolaal million oo doollar caalamka oo dhan”ayuu yiri khabiirkan ka socday FIFA oo ay ahayd markii labaad ee Soomaaliya uu u qabto tababar xaga garsoorka ah.


 

Caption: Garsooreyaal Soomaaliyeed oo tababar heer FIFA ah ku qaadanaya dalka Jabuuti April 18, 2012 SFF File photo


 

Riix linkigan hoose si aad u aragto magacyada garsooreyaasha cusub ee FIFA oo wadan kasta meel gooni ah ku qoran yahay.

http://www.fifa.com/aboutfifa/footballdevelopment/technicalsupport/refereeing/men.html

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment