Agaasimaha xafiiska horumarinta garsoorka ahna xoghayaha ururka garsooreyaasha
kubada cagta Soomaaliyeed Garsoore hore oo caalami ah Cabdi Cabdulle Axmed
(Baasaale) oo maanta war saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in uu xiriirku ka
war hayo qolooyin NGO-yo ah oo ku qaraabanaya wax ay ku sheegeen tababar ay
siinayaan garsooreyaal cusub.
"NGO-yadaas oo ay si hoose u hor boodayaan rag aan naqaano waxaan u sheegeynaa in aysan jihada ka lumin dhalinyarada jecel in ay mustaqbalka garsooreyaal noqdaan, maadama aysan lahayn quxuuq iyo shahaado xiriirku aqoonsan yahay oo ay wax ku tababari karaan”ayuu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay xoghayaha ururka garsoorka Mudane Cabdi Cabdulle Axmed (Basaale) oo qudhiisu ka mida macalimiinta garsooska horayna u ahaan iiray garsoore heer caalami ah.
Waxaa uu Mudane Baasaale sheegay in iyadoo laga duulayo siyaasada xiriirka ee horumarinta garsoorka kubada cagta Soomaaliyeed uu xiriirku sanadkiiba 3 jeer qabto tababaro heer qaran ah oo lagusoo saarayo dhalinyaro cusub iyo hal tababar oo heer FIFA ah.
" Ma jirto cid aan ahayn xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo tababr garsoor oo kubada cagta ah qaban karta sababtoo ah waxaa loo baahan yahay in marka hore cida wax abaabuleysa ay masuuliyadaas leedahay isla markaana ay aqoon u leedahay waxa ay qabaneyso”ayuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay xoghayaha ururka garsoorka kubada cagta Soomaaliyeed.
Mudane Baasaale waxaa uu sheegay in diiwaan gelinta garsooreyaasha cusub ee ugu soo horeysa ay bilaaban doonto horaanta bisha October ee sanadkan, waxaana uu ugu baaqay cidii dooneysa inay garsoore noqoto in ay lasoo xiriirto xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.
"Cidii ka qeyb gasha tababar uusan xiriirka Soomaaliyeed abaabulin waxaan u sheegeynaa in ay sidaas ku weyn doonto fursadaha tababrar ee xiriirku siiyo dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwa NGO-yada hor boodaya ee aan naqaanana waxaan u sheegeynaa in aysan dhalinyarada jaha wareerin farahana kalka baxaan howl aysan shaqo ku lahayn”ayuu Mudane Baasaale ku sheegay war saxaafadeedkiisa maanta.
Waxaa uu xoghayaha ururuka Garsoorka mudane Baasale sheegay in shuruudaha
lagu qaato garsooreyaasha cusub ee la tababarayo ay ka mid yihiin: in uusan
qofku da’ ahaan ka weyneyn 25 sano, In uu heysto shahaadada dugsiga sare ugu
yaraan, isla markaana uu yaqaano luqada English-ka. Sidoo kale wuxuu sheegay in
shuruudaha ay ka mid tahay in qofka tababrka isusoo diiwaan gelinaya uu ka
yimaado Jaamacadiisa ama iskuulkiisa ee uusan jirin qof la iska qaadanayo
isagoo aan jaamcaad ama iskuul ka imaan.
"Siyaasada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayay ka mid tahay in
garsooreyaasha lasoo saarayo ay ahaadaan dhalinyaro dhanka aqoonta maadiga ah
ka dhisan sidaas daraadeed ayaan sanadihii lasoo dhaafay garsooreyaasha
mustaqbalka dadka loo diyaarinayo ka qadaneynay iskuulada iyo jaamacadaha”ayuyu
war saxaafadeedkiisa ku sheegay xoghayaha ururka garsoorka xiriirka Soomaaliyeed
ee kubada cagta Mudane cabdi Cabdulle Axmed (Baasaale) oo bahweynta wax
barashadana uga mahad celiyay kaalinta ay arrinkaas ka qaateen.
Waxaa uu xoghayaha ururka garsoorku sheegay in sida sharcigu qabo marka
la qabanayo tababar garsoor uu ka kooban yahay dhowr qeybood oo qeybta ugu horyesana
ay qaadato ugu yaraanb 3 bilood laakin waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in
dhalinyaro meel la isugu keeno muddo hal todobaad ah oo sawirro laga qaato loogu
been sheekeeyo in wax la baray. "Ururka garsoorku wuxuu leeyahay macalimiin uu markii hore xiriirku soo
saaray kaddibna FIFA kasoo qaatay koorsooyin aqoon kororsi ah isla markaana
heysta shahaadooyin FIFA iyo Xiriirkuba aqoonsan yihiin, balse qof aan waligiis
garsoor arag in uu maanta yiraahdo wax baan tababarayaa oo dhalinyarada marin
habaabiyo anagu kama yeeleyno”ayuu si kulul u yiri xoghayaha ururka garsoorka
kubada cagta Soomaaliyeed Mudane Cabdi Cabdulle Axmed (baasaale) oo sheegay in
dad sanadahan dambe fowdo ku ahaa isboortioga Soomaaliyeed hadana ku dhex jira ay NGO-yadaas daaha
gadaashiisa u taaganyihiin iyagoo is mooda in aan laga war heyn.
NB: Cidii dooneysa faafaahin dheeri ah ama
wareysi Ha la xariirto agaasimaha xafiiska horumarinta garsoorka Ahna xoghayah
aururka gasroorka cabdi Cabdulle Axmed (Baasaale) Nation Link
00252699 556960 ama Hormuud
0025261 5556960
Somali Football Federation Media Department
Email: somalifootballmedia@gmail.com