X/K/Cagta oo cambaareeyay warbixin wargeys Sacuudigu leeyahay ka qoray cayaartii Soomaaliya iyo Zimbabwe.

Saturday September 07, 2019 - 00:56:32
0 Comments
2022
Super Admin
Xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa si weyn u cambaareeyay qaabka uu wargeys laga leeyahay dalka Sacuudi Carabiya wax uga qoray cayaartii Khamiistii dhex martay xulalka Soomaaliya iyo Zimbabwe ee ka tirsanayd is reeb-reebka koobka aduunka ee 2022-ka.


Wargeyska Sacuudiga ee la yiraahdo Arab News ayaa warbixin uu cayaartaas ka qoray cinwaankeeda ku sheegay in Soomaaliya ay tahay dal la’aan, taas oo ah aflagaado aan loo dul qaadan Karin.

"Adeegsiga eraygan oo kale waa wax aan loo dul qaadan Karin, waxayna si cad ugu xad gudbeysaa sharafta Soomaaliya. Waxaan ugu baaqeynaa wargeyska Sacuudiga in uu raalli gelin ka bixiyo warkaas caqli darrada ku dhisan ee uu ka qoray Soomaaliya” sidaasi waxaa lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray agaasimaha warfaafinta xiriirka kubbadda cagta soomaaliya shaafici muxuyadiin.



"Ka hor inta aysan warkaas daabicin, waxay ahayd in ay sameeyaan cilmi baaris iskuna dayaan in ay bal marka hore ogaadaan sababta xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya uu u door biday Jabuuti, markaas kaddib waxaa hubaal ah in ay wax badan ka fahmi lahaayeen xiriirka labada dal iyo in uusan jirin farqi u dhexeeya shucuubta labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti, taas oo macneheedu yahay in qofka ka yimaada Jabuuti ay Muqdisho tahay gurigiisa qofka Muqdisho ka yimaadana ay Jabuuti tahay guirigiisa”sidaas ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka kasoo baxay xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya.

"Wax kale ma ahan ee tani waxaa ay muujineysaa nacaybka ay u qabaan Soomaaliya. Intii ay xulka Soomaaliya ugu yeeri lahaayeen kuwo aan dal lahayn, waxaa jira erayo kale oo edebeysan oo ay ku muujin kareen sababta loo adeegsaday Jabuuti, oo ah dal walaal rumaad u ah Soomaaliya” War saxaafadeedka xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa sidaasi lagu yiri.

"Waxaanu nahay dad ka nasiib badan Sacudiyiinta, sababtoo ah waxaan leenahay labo guri, kuwa warbixintaas qorayna waa in ay ogaadaan in qaranka Soomaaliya aanay ahayn dal la’aan, laakin ay Jabuuti tahay guriga qaranka Soomaaliya. Edeb ha yeesheen Carabtu” ayaa lagusoo gaba-gabeeyay war saxaafadeedka kasoo baxay xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya.

 


Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment