Baasaale oo loo magacaabay madaxa xafiiska horumarinta garsoorka

Wednesday August 10, 2011 - 16:13:49
0 Comments
2700
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa garsoore hore oo caalami ah Cabdi Cabdulle Axmed oo loo yaqaano Baasaale u magacaabay madaxa xafiiska horumarinta garsoorka kubada cagta Soomaaliyeed.


Waa markii ugu horeysay ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu sameeyo waax gaar ah oo qaabilsan horumarinta garsoorka halka markii hore guddiga garsoorka oo keliya uu shaqeyn jiray.

 

Waaxdan ayaa qaabilsan horumarinta aqoonta garsooreyaasha hada jira iyo soo saarista garsoore yaal cusub gobalada dalka oo dhan, si loola saan qaado dalalka kale oo FIFA ku jira oo dowladaha iyo degenaashaha heysta.

 

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo war saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in dhismaha xafiiska horumarinta garsoorka uu qeyb ka yahay dadaalada xiriirku ku doonayo in sare loogu qaado tirada iyo tayada garsooreyaasha Soomaaliyeed ee xaga kubada cagta.

 

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Baasaale masuuliyada cusub ee uu xambaaray waa nin aqoontiisu heer jaamacadeed gaarsiisan tahay waxaana ku kalsoonahay in kadib magacaabistiisa uu wax badan qaban doono”ayuu ku yiri xoghayaha guud war saxaafadeedkiisan oo lagasoo saaray xafiiska war faafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

“Garsoorku waa shaqo aad u adag, sidaa daraadeed qeybtan muhiimad gaar ah ayaan siineynaa, sababtoo ah waxaan rabnaa in aan yeelano garsooreyaal aad u farabadan dhanka aqoontana si weyn uga dhisan”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayaha guud.

 

Sanadlkan ayaa xriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu ugu magac daray sanadka kor u qaadista aqoonta kubada cagta gobalada dalka oo dhan xiriirkuna waxaa uu tan iyo bilowgii sanadkan qabtay koorsooyin kala duwan oo gudaha iyo dibadaba lagu qabtay.

 

Sida ku cad qorshe howleedka xiriirka ee sanadkan waxaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta qorshaha ugu jirta in uu qabto seminaaro kala duwan oo dhinacyada garsoorka, macalinimada iyo maamulka ah oo ka dhici doona maamul gobaleedyada Soomaaliyeed ee Puntland iyo Galmudug.

 

Seminaaradan ayaa lagu wadaa in ay qabsoomaan bisha September ee inasoo aadan, halka bisha November-na dalka Jabuuti lagu qaban doono koorso caalami ah oo dhinaca garsoorka ayna bixin doonaan macalimiin ka socda ururka kubada cagta aduunka ee FIFA.

 

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu koorsooyinka caalamiga ah ku qabsadaa dalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti maadaama khubarada ka socota FIFA aanay dalka Soomaaliya imaan Karin sababo amaan awgood.

 

Somali Football Media Department

 

+2521 235047 Office

+25250 930226 Office

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment