Xiriirka K/C/S oo beeniyay sheegashada haweeney aan xil ka hayn xiriirka

Tuesday February 12, 2019 - 11:13:06
0 Comments
1714
Super Admin
Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya ayaa si xoogan u beeniyay sheegashada kasoo yeertay haweeney aan wax xil ah ka heyn xiriirka, warkaasoo xiriirku ku tilmaamay borobogaando aan sal iyo raad toona lahayn.


"Wax lala yaabo ayay nagu noqotay markii aan maqalnay haweeney sheeganeysa in ay madax ka tahay guddiga kubbada cagta haweenka oo kasoo muuqatay warbaahinta qaar kuna andocootay in loo jeediyay hanjabaado dil ah. Waxyaabahaas oo kale kama mid ah dhaqanka kubbadda cagta Soomaaliya iyo caalamka intiisa kalaba”ayaa lagu yiri war saxaafadeed uu soo saaray agaasimahaw arfaafinta xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya shaafici Muxuyadiin.



"Warka aan raadka lahayn ee haweeneydan kasoo yeeray wuxuu gabi ahaanba lidi ku yahay qawaaninta iyo anshaxa kubbadda cagta oo ah cayaar ay ku dheehan tahay xushmad, jacaly, saaxiibtinimo, is dhex gal bulsho iyo wada jiritaan ummadeed, haweeneydani waligeed madax kama noqon guddiga kubbadda cagta haweenka. Waxay ahayd xubin ka tirsan guddiga xiligeedii shaqana wuxuu ku ekaa Augus 2018, waxaana xaqiijinayaa in aysan wax masuuliyad ah ka hayn xiriirka xitaa markii ugu horeysay ee ay saxaafada la hadashay sadexdii Janaayo ee sanadkan”sidaas ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka uu soo saaray agaasimaha warfaafinta xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Shaafici Islaw.


Xafiiska warfaafinta xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya wuxuu haweeneydan ku eedeeyay in ay sheegatay masuuliyad aanay xiriirka ka hayn, isla markaana ay isaga qaldoomeen shuruucda iyo qawaaniinta kubbadda cagta iyo shaqada NGO-geeda gaarka ah.


"Sida aan ognahay haweeneydani waxay maamushaa NGO ay iyadu leedahay oo lagu magacaabo Xarunta isboortiga ee gabdhaha dahabiga ah (Golden Girls Sports Centre), shaqada uu NGO-gaasi qabtana wax xiriir ah lama lahan kubbadda cagta dalka. Kubbadda cagtu ma ahan mashiin dhaqaale loogu abuuro NGO-yada sida gaarka ah loo leeyahay”ayaa lagusoo gabagabeeyay war saxaafadeedka maanta kasoobaxay xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya, oo warbaahintana ugu baaqay in ay iska hubiyaan dadka ay wareysanayaan in ay dhab ahaan u hayaan masuuliyadaha ay sheeganayaan.


Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment