Qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo loo magacaabay Qiimeeye Garsore ee CAF

Wednesday September 18, 2013 - 09:57:31
0 Comments
3293
Super Admin
Ururka Kubada Cagta Afrika ee CAF ayaa agaasimaha xafiiska wax barashada Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Maxamed Axmed u magacaabay in uu noqdo Qiimeeye Garsooreyaasha CAF. Magacaabistan ayaa waxaa ay ka dhigantahay in Mr Cali Maxamed Axmed uu noqonayto qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo masuuliyad noocan oo kale ah ay CAf u magacawdo, sida lagu sheegay war saxaafadeed maanta kasoo baxay xafiiska warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

"Sida ku cad documentiga magacaabista ee CAF, garsoorahan hore ee heerka caalami Cali Maxamed Axmed wuxuu qiimeyn ku sameyn doonaa garsooreyaal ka socda BurkinaFaso oo qabanaya cayaaraha CAF Confederation CUP Group Stage-kooda, cayaartaasina waxeyka dhaceysaa addis ababa maalinta Axadda 22 September 2013 waxeyna dhexmareysaa kooxaha St. Georges (Ethiopia) Vs E.S.S. (Tunisia)” ayaalagu yiri war saxaafadeedka uu maanta soos aaray madaxa xafiiska warfaafinta xiriirka Soomalaiyeed ee kubada cagta ahna afhjayeenka xiriirka Shaafici Muxuyadiin Abukar (Islow).

 

Labdan kooxood ayaa ka mid ah kooxaha ugu adadag qaaradda Afrika islamarkaasina usoo gudbay wareegga ugu danbeeya ee group stage-kaHadaba waa markii ugu horreysay taariikhda ee CAF u sameyso Referee assessors cayaaraheedasanadkan iyadoo xubnaha loo xulay inay ka mid noqdaan pannel-kaan laga soo dhex xulay xubnihiika qeybgalay FUTURO III course 2012 iyadoo la qaatay xubnihii ugu sarreeyay imtixaan adag oo laga qaaday aana nasiib u yeeshay inaan ka mid noqdo.

 

"Cali Maxamed Axmed waa macallin soo saara garsooreyaasha soomaaliyeed (Technical Referee instructor) waxaana sidoo kale isaga iyo laba macallinoo Soomaliyeedoo kala ah Aweys Axmed Jimcaale iyo Cabdi Cabdulle Axmed (Baasaale) ka qeybgeli doonaan kooraska FUTURO III course oo loo qabto macalimiinta garsooreyaasha ee wadama adduunka laguna qaban doono Addis ababa 5-10 October ee sandknaan”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka maanta kasoo baxay xafiiska warfaafinta xiriirka Soomalaiyeed ee kubada cagta.

 



Cali Maxamed Axmed waxuu sidoo kale masuul ka yahay dhinaca aqoonta, waxbarashada iyo seminaarada xiriirka Kubadda cagta isagoo ah ama madaxa waxbarashada xiriirka isagoo qeyb muhiima ka ahaa horumarkii ballarnaa ee xiriirku ku tallaabsaday 6dii sano ee ugu danbeysay taasoo ahayd dhinaca aqoonta iyo seminaarada dibadda iyo gudaha dalka ee loo qabtay garsooreyaasha, tababarayaasha, maamulayaasha iyo caafimaadka isboortiga ee xiriirka K/Cagta.

 

"Magacaabistan ayaa imaaneysa iyadoo xoghayaha xiriirka Sooamaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab uu hada ku sugan yahay dalkla Tahiti isagoo xubinka ah gudiga sare ee FIFA ee maamulaya tartanka FIFA beach soccer world cup ee maanta daklka Tahiti ka furmaya”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri afhayeenka xiriirka Sooamlaikyeed Shaafici Muxuyadiin Islow oo intaana sii raaciyay in ka mid noqsohada masuuliyiinta xiriirka ee FIFA iyo CAF ay muujineyso guul weyn oo usoo hoyatay shacbka soomaaliyeed maadama dalkan oo bur bursan ay hadna Soomaalidu si weyn uga dhex muquanayaan maamulka kubada cagta ee Afrika iyo kan aduunka.

 

Horay Soomaaliya laba xubnood ayay ugu lahady guddiga xeer ilaalinta Ururka kubada cagta Afrika ee CAF kuwaas oo kala ah Garsoore hore Xasan Maxamed Maxamuud (Farey) iyo Caamir Cabdi Xasan. Caamir sidoo kale waa madaxa dhaqaalaha ururka kubada cagta bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA.


 

Somali Football Federation Media department

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com

Leave a comment