SITT oo 1-0 ku sagootisay SAVANA

Wednesday February 16, 2011 - 19:13:59
0 Comments
3264
Shaafici Muxyidiin
Kooxda Kubada cagta SITT oo ah koox awood leh oo ka cayaarta horyaalka heerka 1-aad ee dalka Soomaaliya ayaa cayaar ay shalay galab la yeelatay kooxda kale ee SAVANA waxaa ay kaga adkaatay 1-0 90-kii daqiiqadood ee loogu tala galay.


Cayaarta ayaa sidii caadiga ahayd ka dhacday garoonka kuliyada siyaasada ee magaalada Muqdisho halkaas oo maalmahanba uu tartanku ka soconayay.

 

Kooxda SITT waxaa goolka keliya u dhaliyay cayaaryahankeeda lagu magacaabo Bile Muxuyadiin waxaana uu goolkaasi ahaa mid rigoore ah.

 

Wiilasha SAVANA waxaa ay isku dayeen in ay goolkaas iskasoo gudaan laakin nasiib darro uma suuragelin waxaana cayaartii ay kusoo idlaatay 1-0 iyaga looga adkaaday.

 

Cayaarta waxaa garsoore ka ahaa Nuur Maxamed Cabdulle waxaana calan wadayaal u ahaa Aweys Nur Axmed iyo Axmed Cbdullaahi faarax halka uu sarkaalka afaraadna ahaa Maxamed Abuukar. Xeer ilaaliyaha cayaartu waxaa uu ahaa Saacid Axmed Abuukar oo hore garsoore caalami ah u ahaan jiray laakin hada ka fariistay.

 

Inkastoo laga adkaaday wiilasha SAVANA hadana waxaa ay u ekaayeen kuwo ilaaliyay shuruucda cayaarta taas oo keentay in wax ganaaxyo ah aanay qaadan intii cayaartaasi socotay.

 

Balse sida ku cad shaxda hoose kooxda SITT ayaa la siiyay ganaaxyadan.

 

SITT

 

Name

Number

Date

Minute

Caution

Nur Abdu Mohiydin

19

Feb 15

12th

Yellow

Ikar Dahir Amin

11

Feb 15

44th

Yellow

Abdullahi Abdisalam Sheik

3

Feb 15

90th

Yellow

 

 

Somali Football Media Department

 

+25250 930226 Office

+252699 969815 Cell

+2521 600601 Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment