Elman oo 1-0 kaga adkaatay SITT

Thursday February 10, 2011 - 22:00:45
0 Comments
2798
Shaafici Muxyidiin
Elman oo ah naadi ka mida naadiyada kubada cagta awooda leh ee dalka Soomaaliya ayaa guul darro 1-0 ah dhabarka u saarisay kooxda kale ee SITT oo qudheedu aad u adag oo shala galab ay yeesheen loolan xoog badan oo ka mida tartanka horyaalka heerka 1-aad ee dalka Soomaaliya oo ayna daawanayeen guddoomiye yaasha GOS iyo xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed.


“Badankiin xulka qaranka ayaad ka mid tihiin, waxaana idin sugeysa cayaar adag oo isu keentay daawadayaasha faraha badan ee aad arkeysaan maanta, sidaa daraadeed waxaan idinka dooneynaa in aad muujisaan cayaar wanaag”sidaasi waxaa labada kooxood ka hor intii aanay cayaartu bilaaban u sheegay guddoomiyaha guddiga tartamada xiriirka Cali Cabdi Maxamed.

Cayaarta  ayaa ahayd tii ugu shacbiyada badneyd uguna adkeyd tan iyo intii tartanku dib u bilaabmay bishii lasoo dhaafay. Mid kasta oo ka mida labada kooxood waxaa ay sameysay isku day wen si ay u guuleysato laakin Elman ayaa nsiibku u saamaxay in ay galabta la carawdo 3-dii dhibcood ee loo tartamayay.

Elman ayaa hada horyaalka ku hogamineysa 9 dhibcood, waxaana kusoo xiga naadiga Booliska oo leh 7 dhibcood laakin ay wada cayaareen min sadex cayaarood.

Weeraryahanka kooxda Elman iyo xulka qaranka Cabdi Caziz Maxamed Cali ayaa goolka keliya u dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 34-aad ee qeybta hore ee cayaarta. Wiilasha SITT waxaa ay sameeyeen isku dayo badan oo goolal ay ku raadinayeen laakin marna kuma guuleysan in ay gool qura dhaliyaan, waxaana lagu kala tagay 1-0 ay guushu ku raacday Elman.

Cabdi Caziiz ayaa haatan leh 4 gool, waxaana uu ceyrsanayaa Cabdulqaadir muxuyadiin oo ka tirsan naadiga Horseed oo tartanka gool dhalinta ku hogaaminaya 5 gool.

Daawadayaal lagu qiyaasay 20-kun oo ruux oo kala taageerayay labada kooxood ayaa isugu yimid maanta garoonka  jaamacadaha, cayaartaas oo sidoo kalana soo jiidatay masuuliyiin sare sare oo ka kala socday bahda isboortiga Soomaaliyeed, dowlada federalka iyo ganacsato caan ah.

Masuuliyiintaas waxaanu ka xusi karnaa guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow (Wiish), guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Saciid Maxamuud Nuur (Mukambe), guddoomiyaha gobalka Banaadir oo horayna cayaaryahan kubada koleyga u ahaan jiray Maxamuud Axmed Nuur, ku xigeenka xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta Abuukar Islow Xasan, Madaxa waaxda xiriirka dadweynaha ee Baanka Salaam Axmed Cali Galool iyo masuuliyiin kale oo farabadan.

Ugu yaraan sadex meelood meel ka mida taageerayaashii garoonka joogay waxaa ay ka kala yimaadeen gobalada dalka qaarkood waxaana ay magaalda soo gaareen dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay iyagoo kala taageeraya labada kooxood ee awooda badan Elman iyo SITT.

Sida ku cad jadwalka tartanka maanta oo jimco ah ayaa waxaa wada cayaari doona kooxaha Supper Shell iyo Banaadir Telecom  halka sabtida iyo  Axadana la nasan doono.

Cayaarta  ayaa waxaa garsoorayay garsoore heer caalami Maxamed Xasan Fiidow, waxaana calan wadayaal u ahaa laba calan wade oo caalami ah oo kala ah  Cusmaan Cabdi Cusmaan iyo Aweys Nuur Axmed, halka sarkaalka 4-aadna uu ahaa Maxamed Abuukar iyadoo xeer ilaaliyana uu ka ahaa Xasan Shelylilah Cadde oo  hore garsoore caalami ah u ahaa laakin hada cayaaraha ka fariistay.

Intii ay cayaartu socotay ayaa waxaa caalamado isugu jiray digniino iyo cayaar ka saarid la siiyay 5 cayaartoy oo naadiga Elman ka tirsan sida ku cad shaxda hoose.

Name

Number

Date

    Time

Caution

Abdi Wahid Mohamed Mahad

2

Feb 10

32nd minute

Yellow

Beder Mohamed Ahmed

16

Feb 10

62nd minute

Yellow

Ali Salad Awale

10

Feb 10

84th minute

Yellow

Said Mohamed Mahmoud

12

Feb 10

85th minute

R card

Hassan Ali Rooble

6

Feb 10

89th minute

Yellow

 

NB: Si aad u daawato sawirada cayaarta oo dhan fadlan booqo qeybta English-ka ee webka ama guji linkigan hoose.

http://somsoccer.com/english/view.php?id=347

Somali Football Media Department

+25250 930226 Telephone office

+252699 969815 Cell

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmediadepartment

 



Leave a comment