Heegan oo dhinaca dhulka u dhigtey Elman, SITT oo soo dhaqaaqday iyo Dekedaha oo yaaban

Saturday April 09, 2011 - 09:20:42
0 Comments
3311
Shaafici Muxyidiin
Naadiga kubadda cagta ee Heegan ayaa u awood sheegtay naadiga hogaanka u haya horyaalka kubadda cagta Soomaaliya ee Elman FC.cayaar shala galab ay ku yeesheen garoonka jaamacada ee magaalda Mqudishooo 2-0 Elman madax dhulka loogu dhigay.


Naadiga Heegan oo kulankii wejiga koowaad ee horyaalka laga soo badiyey ayaa waxaad moodaa inay si weyn ugu soo tala galeen in ay guuleystaan oo Elman ka aar goostaan markii ay ay la soo bexeen ciyaar si weyn looga helay.
 
Qeybtii hore ayaa Heegan waxaa u suurta gashey inay helaan goolkii koowaad oo uu u saxiixey ciyaaryahankooda Axmedey Aaqiir waxaana halkaasi ka sii xoogeystay weerarka ay Heegan ku qaadaysay goolka Elman Fc.
 
Qeybtii labaad markii dib loo soo galay ayaa Elman isku dayeysay in ay iska soo bar bareeyaan goolka lagu lahaa fursado dhowra ayayna iska qasaariyeen, laakin Heegan Fc ayaa mar kale waxaa ay heleen goolkii 2-aad waxaana u saxiixay ciyaaryahankooda Maxamed Deeq Aariyo oo ka mid ahaa xidigihii gobolka Jubada hoose ee sanadkii hore ka qyb galay ciyaarihii gobolada dalka oo ka dhacay magaalada Garoowe.
 
Elman ayaa sidaa waagu ugu baryey isku day kasta oo ay sameeyaana wey haleeli waayeen xitaa hal gool ciyaartana waxay ku soo idlaatay 2-0 oo ay Heegan ku adkaatay.

Walow Elma Fc guul daro la baday hadana weli iyada ayaa hogaanka u heysa horyaalka iyagoo urursaday dhibco gaaraya 27.
 
SITT Daallo oo kaalinta 2-aad ku jirta waxay 2-0 dirtey Savana ciyaar qamiistii ku dhex martay garoonkaasi, waxayna SITT leedahaya 23 dhibcood oo afar dhibic kaliya ayaa hogaanka looga hayaa, Heegan waxay leedahay 20 dhibic kaalinta 3-aad ayayna ku jirtaa.
 
Qeybaha hoose Horseed ayaa moodaa inay ka tagtay kooxaha kale markii xidigooda dhawaan kusoo biiray ee Cabdi joon u suurta geliyey inay Dekedaha dhinaca dhulka u dhigaan 2-0 ayayna kaga faraxasheen.
 
Dekedaha oo ka mid ahayd kooxaha safka hore ee Soomaaliya ayaa iminka u muuqata mid qeybta B u laaban doonta xagaaga dambe maadaama ay ka mid noqotay kooxaha ugu hooseeya dhanka kala horeynta.
 

By
 C/xafiid C/samad zaciimka
zaciimka02@hotmail.com

Somali Football Media Department

+25250 930226   Office

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmai.com



Leave a comment