Jamhuuriyo oo hogaanka u heysa horyaalka 6-aad

Saturday November 06, 2010 - 21:44:54
0 Comments
2657
Shaafici Muxyidiin
Kooxda kubada cagta Jamhuuriyo ee heerka sadexaad ayaa hogaanka u heysa horyaalka 6-aad ee kooxaha Serie C-da oo ka soconaya garoonka dugsiga sare ee Booliska ee magaalada Muqdisho.

Tartankan oo soo bilowday 1-dii bishan ayaa ilaa iyo iminka waxaa la dheelay  8 cayaarood waxaana 6 dhibcood ku hogaamineysa kooxda Jamhuuriyo  oo horay uga badisay bariga dhexe saakana 2-1 ugu awood sheegatay kooxda Spade oo iyadu hal gul horay u qabtay.

 

Kaalinta 2-aad ee tartanka waxaa ku jira kooxaha Geeska Afrika iyo CCD oo leh min 4 dhibcood {Min hal guul iyo hal bar bar dhac} midiiba. Bari subax waxaa is arki doona kooxaha kala ah Gasco iyo Hilaac oo min hal dhibic wata.

 

Bari galab waa nasasho oo cayaar ma jirto,laakin subaxda Isniinta ayaa waxaa is arki doona kooxaha kala ah CCD oo 4 dhibcood wadata iyo Spade oo sadex dhibcood wata.

 

Cayaartan ayaa ah mid aad loo sugayo maadaama labada kooxood ay ka mid yihiin kooxaha tartanka ugu adag, iyadoo cayaartoyda iyo maamulka labada kooxoodba ay isu goodinayaan,laakin la arki doonee cida guushu raacdo.

 

Guddoomiyaha kooxda jamhuuriyo ee tartanka hogaamineysa Maxamed xaaji Cabdulle Taako oo la hadlay sonmsoccer.com ayaa sheegay in uu aad ugu rajo weyn yahay kooxiidsu in ay koobka tartanka la hoyan doonto.

 

Somali Football Media Department

+25250 930226 Office

+2526 99 969815 Cell

+2521 600601 fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment