Raadsan FC oo ku guuleysatay Horyaalka heerka 1-aad

Thursday May 02, 2019 - 19:19:24
0 Comments
1442
Shaafici Muxyidiin
Naadiga Kubbadda Cagta Raadsan ayaa ku guuleystay horyaalka heerka 1-aad ee dalka xilli cayaareedka 2018-2019, iyagoo booskooda ka diyaarsaday horyalka SPL ee xilli cayaareedka soo socda.


Inkastoo 3-2 looga adkaday cayaartoodii ugu dambeysay fasalkan manta oo khamiis ah, hadana guushooda horyaalka horay ayay usii xaqiijiyeen kaddib markii ay usbuucii hore 0-4 kaga adkaadeen dhiggooda Jamhuuriya. Guushii ay Jamhuuriya ka gaareen Sabtidii lasoo dhaafay ayaa wiilasha Raadsan ugu filneyd in ay koobka qaadaan kadib markii ay urursadeen 37 dhibcood.

Kooxda Rajo FC oo hada leh 33 dhibcood laakin ay hal cayaar usii dhiman tahay ayaa iyana xaqiijisay in ay usoo gudubtay horyaalka dalka ugu sarreeya ee SPL xilli cayaareedka soo socda ee 2019-2020.



Somali Football Federation Media Department

Emai:info@somsoccer.com



Leave a comment