Saxafi oo guul ku bilowday horyaalka Heerka 1-aad

Saturday February 23, 2019 - 18:28:55
0 Comments
1670
Super Admin
Kooxda kubbada Cagta ee Saxafi ayaa guul ku bilowday horyaalka heerka 1-aad ee dalka kaddib markii ay 2-1 kaga adkaatay dhiggeeda Bariga Dhexe maanta.


Cayaartii furitaanka horyaalka heerka 1-aad ayaa ka dhacday garoonka xarunta farsamada xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya. Guushii maanta ayaa loo arkay in ay bilow wanaagsan u ahayd kooxda Saxafi oo kol hore kasoo dhacday horyaalka ugu sareeya dalka ee SPL


Dhanka kale kooxda Jamhuuriya ayaa cayaar kale oo isla tartankan ka tirsan la yeelatay dhiggeeda Ummah Hospital waxaana cayaartaasi oo ka dhacday garoonka Banaadir labada koox isla dhaafi waayeen bar-bar dhac 1-1 ah.



Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment