Guddoomiyaha X/S/k/C oo markii 6-aad loo doortay CECAFA

Saturday December 02, 2017 - 11:14:38
0 Comments
2959
Super Admin
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa maanta oo sabti ah marki lixaad oo xiriir ah loo doortay guddiga fulinta xiriirka kubada Cagta ee bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA, doorasho ka dhacday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.


Doorashada waxaa ku loolamay 8 murashax oo ka kala socday dalalka ku bohoobay ururka CECAFA, waxaana loo tartamayay 5 boos oo guddiga fulinta ah. Shanta masuul ee ku guuleystay doorashada waxaa ay kala yihiin: Abdiqani Said Arab (Somalia) Wallace karia (Tanzania), Aimable Habimana (Burundi), Ms Doris Petra (Kenya) and juneidi Tilmo (Ethiopia), halka Moses Magogo (Uganda), Kourecha Ali Guedi (Djibouti) iyo Vincent Nzamwita (Rwanda) ay tartanka isaga bexeen markii ay xaqiiqsadeen in laga adkaanayo.



Xubnaha gudiga fulinta ayaa xafiiska joogi doona afarta sano ee soo socota, iyadoo la raacayo dastuurka CECAFA oo dhawaan is badal lagu sameeyay halka markii hore xubnaha guddiga fulinta uu waqtigoodu ahaa laba sanadood oo keliya.


"Is badalka lagu sameeyay dastuurka waxaa si wada jir ah u ogolaaday dhamaan dalalka CECAFA shirkii ka dhacay Khartuum dalka Sudan 30-kii bishii September ee sanadkanā€¯ayuu yiri Mudane Cabdiqani Saciid Carab oo sidoo kalana sii haya xilkiisii gudodomiye ku xigeenka CECAFA.

Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment