Tartanka dib usoo nooleynta nabada oo heer gaba gabo ah soo gaaray

Thursday October 21, 2010 - 15:44:26
0 Comments
2081
Shaafici Muxyidiin
Tartanka kubada cagta ee dib u soo nooleynta nabada Soomaaliya oo todobaadyadii lasoo dhaafay ka soconayay garoonka dugsiga Booliska Soomaaliyeed ayaa iminka soo gaaray heer gaba gabo ah..


Cayaartoyda Kooxda kubada cagta ee Elman ayaa saaka 1-0 ugu awood sheegtay kooxda SITT, waxaana taasi ay u suura gelisay in ay usoo gudbaan finalka tartanka oo soo bilowday 6-dii bishan.

 

Cayaarta oo ahayd mid aad u adag ayaa waxaa daawashadeeda kasoo qeyb galay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid maxamudu Nuur, guddoomiye ku xigeenka Xirirka Cabdulaahi Abow xuseen iyo masuuliyiin kale.

 

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur oo saaka saxaafada kula hadlayay garoonka dugsiga Booliska ayaa sheegay in ujeedada tartankan loo qabtay ay tahay in lagu dhiiri geliyo nabada.

 

“Kubada cagtu waa nabad sidaa daradeed ayaan dooneynaa in aan dib usoo nooleyno nabadii dalka Soomaaliya inagoo u mareyna tartamo kubada cagta ah”ayuu saxaafada u sheegay guddoomiye Siciid Maxamuud Nuur.

 

“Soomaaliya nabadi kama jirto, laakin taas macneheedu ma ahan in kubada cagtu ay joogsaneyso badalkeedana waan sii wadeynaa shaqada wanaagsan oo aan qabaneyno wax kastaba ha nagu qaadatee”ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa sii daba dhigay.

 

Soomaaliya ma lahayn wax dowlad ah muddo 20 sanadood ah oo lasoo dhaafay waxaana mudadaas gudeheeda bur buray dhamaanba hey’adihii dowliga ahaa ee dalka Soomaaliya waxaana xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu ku guuleystay in uu calanka Soomaaliya ka dhex taago isu imaatinyada kubada cagta aduunka.

 

Somali Football Media Department

 

+2526 99 969815 Cell Phone

+25250 930226   Office Telephone

+2521 600 601   Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment